|

Waa xukuumadii ugu safarka badanayd uguna waxtarka darnayd xaga dibada

Hargeysa July 15,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha arrimaha Gudaha iyo xiriirka Gobolada dalka ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka) ayaa qoraal uu na soo gaarsiiyay waxa uu si mug leh uga warbixinayaa guuldarooyinka Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Xogahayaha ayaa qoraalkiisa ku yiri: 

 

“Waxaan maalinba maalinta ka danbaysa hoos u sii dhacaya karaamadii iyo mansabkii Somaliland ka kasbatay caalamka labaataneeyo sano ku dhawaad, runtii waqtigii uu madaxweynihii hore ee doorashada laga helay ee Daahir Rayaale wadankan madaxweynaha ka aha wadanku waxa uu maraayay meel aad u saraysa karaamadii ay dawladu ku lahayd wadamada caalamka iyo xataa qaramada midoobay, Somaliland waxay u dhawaatayba in la ictiraafo lakiin maanta hoos ayay wax waliba u dhaceen ,

Somaliland sidii ay wada hadalada Somaliya u bilawday waxay ku milantay isla markaana dhex muquuratay maamul goboleedyadii Somaliya, oo maanta dalal badan oo dunida ka mida inooba haystaan inaynu nahay maamul gobaleed katirsan Somaliya , godkaa ay maanta Somaliland ku dhacdayna waxa inagu riday wasiirada aan loo meel dayin ee xukuumada Siilaanyo, oo badan koodu wadankan ka shaqayso oo wax ka ururso mooyee aan danba ka lahayn isla markaana meeshiiba aanay jirin cid shaqadooda ku daba gashaa, wasiiro aanay shaqadu ukala xadaysnayn waxa inoogu horaysay xukuumada uu Kulmiye soo dhisay wasiir waliba dhinaca uu doono ayuu uridayaa (lajiifiyaana banaan  lajoojiiyaana banaan) ayay noqotay shaqadii qaranku,

Tusaale waxa inoogu filan wasiirkii dibada ayaa biyo galintii caasimada ka shaqaynaya oo ku mashquulsan  wa magaalo kaliya biyaheed wa Hargeisa, lakiin wasiir Maxamed Biixi miyuu ilaabay inuu qaran dhan kitaab gacanta usaaray iyo inuu arimaha dibada u xilsaaranyahay, Xukumad ka safar badan oo kaga waxtaryar arimaha dibada wa la waayay xukuumada maanta farsamo xumaanta waxay dheeraysteen beenta ay dadka usheegayaan, waxa cadaynteeda lahayaa wasiiro Somaliand uga qaybgalay shirar dibada ah oo xitaa aan kahadal shirkaas isla markaana aan hal mar lagu soo qaadin Somaliland hadana kaaga sii darane marka uu dalka kusoo noqdaan beenta ay dadka ku dawikhinayaan waxan ka qaybgalay shir caalamiya wa markii ugu horaysay ee guul aan kasoo hayno shirkaas guulaha ay soo hooyaan goorma la arkaya tolow,

Wadanku marxalad adag ayuu marayaa wa in laga fikira sidii wadanka looga saari laha gadoonkan siyaasadeed ee uu galay, waxan goob joog aha xafladii 26 june lagu qabtay madaxtooyada waxaa aan gacanqaaday madaxweynaha oo runtii diiqad badani ka muuqato oo tiisu cuslaysay hadana isku dayaya dhoola cadayn, xafladii markii uu ku bilabay aayado quraana afhayeenka madaxtooyadu waxa uu uyeedhay intii aan xaflada si official ah loo furin madaxdhaqameed kasocday maamul gobaleedka  koonfur qalbeed Somaliya odaygii aya ugu hor hadlay dadkii taasina waxay macnaheedu u muuqatay inuu xafladii odaygaasi Aways uu furay isagoo martiya borotokolkii oo dhan aya qaldan markiiba waxa kacay oo codbaahiyihii boobay wasiir Xirsi oo ka diiqadooday qaabka loo furay xaflada kadibna inta uu ka cudur daartay isagoo yidhi imikan xafladii si official ah u furay waa wax lala yaabo,

Madaxweyne Ahmed Siilanyo abaal badan ayuu wadanka ku leeyahay waxa uu aha gudoomiyhii ugu mudada dheera SNM meeshay doontaba hala martee waxa uu aha hogaamiyihii mucaaridka Somaliand ugu fiicna lakiin maanta waa gaboobay Somaliland waxay ku maah maahda (waan gaboobee waayaan gob ahaa) hadaba maanta waxa inala gudboon si aan u gudno abaalka awawgeen inan xilka ka nasino si sharaflehna uu isaga noolaado lagana daayo odayga culayskan lagu hayo ee la leeyahay isasoo sharax sidii madaxweynihii Aljeeriya  Butafliiqa ee isagoo kursi lagu riixayo lagu galay doorasho. Waa fikirkayga gaarka ah

Allaa mahad leh

Abdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka)

Xoghayaha arimaha gudaha iyo xidhiidhka gobalada ee xisbiga Ucid

Comments are closed