|

Waa Sidee Saaka Xaaladda Degmada Taleex kadib Qabsashadii Somaliland?

Taleex:16-April-2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka Saaka naga Soo gaadhaya Degmada Taleex ee Gobolka Sool, xaaladda ayaa si weyn u deggen, waxana ay dadku ku soo Tooseen Jawi deggen oo aanay cabsiyi ku jirin.

ceegSidoo kale ciidamada qaranka oo si habaysan iskugu qaybiyey Goobaha istaraatiijiga ah ee Magaalada, ayuu ka muuqdaa taxadar iyo feejignaa Badani iyagoo  aan dhex gelin Magaalada iyo Goobaha ay dadweynuhu joogaan.

Ciidanka ayaa Hareeraha Magaalada Saldhigyo ay ka samaysteen ku sugan, waxana ay ku jiraan Heegan Buuxa oo ay ugu diyaargaroobayaan Wax kasta oo kaga yimaadda dhinacyada ay is hayaan ee Deegaankaas sheegta.

Shacabka oo markii hore qabay cabsi la xidhiidha in dhexdooda la isku Dagaalami karo, ayaa haatan si weyn ugu faraxsan inaanay cidanku Magaalada dhexgelin, waxana ay il gaar ah ku eegayaan bal tallaabada ay qaadayaan kooxdii halkaas ku sugnayd oo Haatan xoog lagaga saaray.

Si kastaba ha ahaatee Ciidanka qaranka Somaliland oo ku hubaysan Baabuurta Gaashaaman ayaa shacabka halkaas ku sugan u muujiyey Naxariis iyo walaaltinimo, waxana jawiga magaaladu ku waabariisatay ka muuqata xasilooni dhamaystiran.

Meheradaha Ganacsiga ayaa si caadi ah loo bilaabay in la furo, waxana dadka shacabka ahi ay bilaabeen inay si caadi ah Magaalada uga dhex adeegtaan wixii shaqo haystayna ay shaqooyinkoodii u kallahaan si amni ah oo aanay cabsiyi ku jirin.

Qaar ka mid ah shacabka Halkaas ku nool ayaa Shabakadda Qurbejoog.com u sheegay inaanay Haatan qabin wax cabsi ah, basle kaliya ay ka warwarsan yihiin Weerar kaga yimaadda kooxihii magaalada hore u joogi jirey, waxase taas diyaar u ah ciidanka qaranka oo Koonayaasha Magaalada Heegan ka Galay.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed