”Waa mid kamid ah kuwa ugu muhimsan, uguna caansan hoggaamiyeyaasha burcad badeedda oo mas’uul ka ahaa afduubka maraakiib badan oo ganacsi intii u dhexeysay 2008-2013’’ Afhayeen u hadlay Belgium
Brussels 15.October 2013 (SDN)- Dowladda Belgium ayaa ka hadashay xarigga hoggaamiyihii hore ee burcad badeedda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo Sabtidii ay booliiska dalkaas ku xireen garoonka diyaaradaha magaalada Brussels.
Dacwad oogaha dalka Belgium Johan Delmulle ayaa sheegay in Afweyne loo heysto afduub uu u geystay markab waddankaas laga leeyahay iyo sagaal shaqaale ah oo la socday sannadkii 2009 iyo in uu sidoo kale ka qeyb ka ahaa urur dambiile ah.
”Waa mid kamid ah kuwa ugu muhimsan, uguna caansan hoggaamiyeyaasha burcad badeedda oo mas’uul ka ahaa afduubka maraakiib badan oo ganacsi intii u dhexeysay 2008-2013’’, ayuu yiri Mr. Delmulle oo wariyeyaasha la hadlayey.
Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa tagay Belgium kaddib markii dowladda dalkaas ku casuuntay in uu ka qeybgalo filim dukumantari ah oo ku saabsan burcad badeedda, kaasoo la sheegayo in uu ahaa been abuur la doonayey in lagu soo gacan geliyo.
Maanta ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago.
Mr. Afweyne ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan sheegay in falalka burcad badeednimada uu ku jiray muddo siddeed sano ah uu ka baxay, isagoo sheegay inay burcad badeednimadu leedahay dhibaatooyin badan.
Qaramada Midoobay ayaa Afweyne u aqoonsatay mid ka tirsanaa hoggaamiyayaasha ugu waa weyn ee burcad badeeda Soomaalida, kaasoo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub loo geystay markab laga lahaa dalka Sacuudiga oo laga qaatay madax furasho gaaraysa malaayiin doolar.
Brussels SDN.
Qurbejoog.com