|

Waa Maxay Shuruudaha Isku Filaanshaha Dhaqaale; W/Q: Cabdirashid Axmed Guuleed

Somaliland waa wadan da’yar oo hadda uun 22 jirsaday. Mudadaasi gaaban waddanka waxbadan baa u qabsoomay ayaa la odhan karaa. Kow, wadanku wuxuu maareeyey marxaladdii dagaalka lagu soo afjaray waxaanu ku guuleystay inuu nabad buuxda ay wadanka ka islaaxdo. Laba, waxa uu wadanku sameystay dastuur iyo haykal dawladeed oo buuxa. Saddex, waxa uu wadanku suuro geliyay inuu soo ururiyo cashuuro uu ku bixiyo shaqaalihiisa kala duwan iyo adeegyadda aasaasiga ah ee uu bulshadiisa u sameeyo. Afar, waxa uu ku guulaystay inuu qabto doorashooyin heer caalami ah oo lagu soo doortay qaybaha kala duwan ee jaran jarada dawaleed. Waxaan qabaa in la gaadhay xilligii lays waydiin lahaa sideen isku filaansho dhaqaale u gaadhnaa. Somaliland sidii ay ku gaadhi lahay horumar dhaqaale oo ay kaga bixi karto baahidda ay u qabto caawimo debeda uga timaada ayaan siday ila tahay aan qoraalkan soo socda waxooga kaga odhanayaa.

XILKASNIMADA

Markaynu ka hadlayno shuruudaha iskufilaanshaha xaga dhaqaalaha waxa aynu ugu horayntii soo qaadanaynaa shardiga xilkasnimadda. Xilkasnimo waxaynu uga jeednaa in masuuliinta loo igmaday hogaanka wadanka in laga helo dareen odhanaya “horta aniga maxaa layga rabaa oo umadda xilkaan hayo ii dhiibatay maxay iga filayaan ee aan masuul ka ahay”. Ummada masuulka kursiga saartayna waxaa iyagan laga rabaa in ay la yimaadaan la-xisaabtan xaqiiqada ku salaysan oo masuulkaasi lagala xisaabtamayo wixii ku saabsan hawsha loo dhiibtay. Waxaana
la-xisaabtankaasi kow ka ah saxaafadda xorta ah oo ka duulaysa mabaadii cadcad oo ku salaysan anshaxa saxaafada ee heer caalami. Marka wadan dimuqraadi ah la joogo dhaqanka la xisaabtanka masuuliinta ay ummadu xilka u dhiibatay waxa marwalba hormuud u ah saxaafada
madaxabanaan. Saxaafaduna waa inay door wanaagsan gudataa oo ay ku shaqaysaa mabaadiida caalamiga ah ee saxaafada u yaal oo ay ka fogaataa shaqsi la dagaalanka.

WADANINIMADA

Wadaninimo waxaynu uga jeednaa in cidwal oo wadankaasi kasoo jeedaa ama inuun wadankaasi ku abtirsataa inay marwalba isku taxalujiso sidii wiil iyo gabadhba ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka wadanka.
Wadaninimadu waxay leedahay heerar kala duwan oo aan odhan karo waxa ugu hoosaysa qashinka oo si xilkasnimo leh laysooga fogeeyo oo markaad adigu qashinka iska fogaynaysid aanad jaarkaaga dusha kaga shubin.Waxa ugu sarraysa wadaninimada inaad ka fikirto in wadankaagu uu waxsoosaar yeesho oo marka hore aad ka shaqayso sidii aad wadankaaga wax uga soo saari lahayd oo tusaale ahaan aad ka xumaato marka adigoo xeebtaa dheer haysta aad ku quraacatid kalluun qasacad ku jira oo Thailand laga soo iibiyey. Ganacsatada iyo masuuliinta xukuumadda wadanka ka talisa waa in ay isweydiiyaan sidii badeecahada wadanka dibeda uga yimaadaa wadanka gudihiisa looga soo saari lahaa.

Mashruuca cid waliba ay arkayso in wadanka si sahlan looga fulin karo oo markaasi wuxuu mashruucasi hirgelintiisu u baahnayd wadanka laga wada helaayo, degdeg haloo fuliyo oo yaan waqti lasiinin. Mashruuucii u baahan in laga fikiro oo si cilmiyaysan loo eego, isagana daraasad hala sameeyo oo halugu dhaqaaqo sidii loo hirgelin lahaa. Tusaale ahaan, in warshaddo sibidha wadanka laga hirgeliyo uma baahna in cilmi baadhis la sameeyo maxaa yeelay waa mashruuc la hirgeliyay intaanay Somaliland dhalanin. Waxa kaliya ooy kaaga baahan tahay in loo helo maaliyadii uu kaaga baahnaa mashrucaasi oo dabadeed aad dhaqaajisid. Laakiin in warshad xadiidka soo saarta Somaliland laga hirgeliyaa waxay u baahan tahay inaad marka hore aad soo kiraysato khubaro caalami ah oo dabadeed wixii daraasadaasi kaaga soo baxa aad ku go’aan qaadatid. Laakiin haddii masuuliintii wadanka iyo ganacsataddii wadanka lacagta u hayay ayku qanacsan yihiin sidii ay kalluun uga soo iibin lahaayeen wadamo kale oo maalintii Eebe soo goodo ay sibidh Cumaan kasoo iibsadaan, markaa waxaa shaki la’aan ah in wadaninimada ay waxkasi yihiin. Waxssoosaarka ujeedadiisu maaha uun inaad kalluunka reer Thailand aad ku bedesho kalluun Laas Qoray laga soo saaray oo dee
labadaasi waxa laga yaabaa inay isku dhadhan yihiin. Laakiin hadafka aasaasiga ah ee waxsoosaarka wadanka looga gol leeyahay waa in dadka wadanka u dhashay ay shaqo helaan si markaasi looga badbaado tahriibka iyo wixii la mid ah. Dhalinyarada haddii aan shaqo loo abuurin maxaad tahriibka kaga joojin kartaa?

AQOONTA GUUD IYO TA KHAASKA AH

Wadanka waxa kaloo laga rabaa in aqoonta dadkiisu ay gaadhsiisan tahay heer lagu kalsoonaan karo in laga helayo aqoon yahanadii hawsha horumarinta dhaqaalaha hormuudka u ahaan lahaa. Farsamada inta badan waxaad soo kiraysan karaysaa farsamo yaqaaniin caalami ah aad lagasho heshiis muddo ku eeg oo inta ay mudadaasi socoto ay kuu tababaraan dadkii wadanka u dhashay oo shaqadaasi kuu qaban lahaa. Somaliland waxay ila tahay in maanta laga helayo dadkii hanan lahaa hawsha ballaadhan ee horumarka dhaqaalaha ah ee maanta in wadanka loo bilaabo ay qasabka tahay.

CASHUURO MACQUUL AH
Waxay ila tahay in maanta Somaliland reetka (percentage) ama nisbada cashuuraha u sharciyaysan wadanka uu yahay mid macquul ah oo markaasi aan ahayn mid culays ku keeni kara faaiidada shirkadaha iyo shaqaalaha mushaharka ay qaataan inta ku waajibtay qaanuun ahaan. Waa qayb ka mida wadaninimada in cashuurtaasi macquulka ah ee ay dawladu qaadayso in sideeda loo bixiyo. Wadamada qaar baa ka qaada cashuurta macaashmacaashka boqolkiiba 35% faaiidada ay shirkaduhu ay sanadkii helaan, halka Somaliland faaiidada shirkadaha sanadkii ayka qaado12.5%. Waa reet macquul ah oo loo baahan yahay ciddii ay ku waajibtay inay isaga bixiso sida ay tahay. Xukuumadan Mr Siilaanyo uu madaxda ka yahayna horukac wayn ayay kasoo hoysay xaga cashuurta ay soo ururiso, laakiin waxaa loo baahan yahay in intaasi laga sii laban laabo.

LADAGAALANKA MUSUQMAASUQA

Meelkasta oo ay joogto Somaali waxa qayrkeed ka reebay waa musuqmaasuqa. Haddii danyarta cashuurta laga ururiyo oo ay si wadaninimo ku dheehan tahay ay waajibkooda cashuureed uga soo baxaan, oo dabadeed lacagtaasi uu musuqmaasuq ku yimaado waa nasiib darro, isla markaana waxaa dhimanaya xilkasnimadii iyo wadaninimadii lacagtaasi lagu soo ururiyey.
Gabagabodii, waxaan odhan lahaa xukuumaddu ha qaado talaabadii ugu horaysay ee wadaninimada tusaysay oo haysugu yeedho ganacsatada caadaysatay inay dibeda kasoo dejiyaan badeecado ay si sahlan uga soo saari lahaayeen wadanka gudihiisa. Xukuumada waxa kaloo laga rabaa inay dejiso qorshe ay ku dhiirigelinayso ganacsatada ku hawlan inay horumariyaan waxsoosaarka wadanka si markaasi ay ugu daydaan kuwa ku hawlan waxsoo dejinta uu wadanku ka maarmi karo. Reer Somaliland shacab iyo xukuumadba waxaa laga rabaa inay ogaadaan in waqtigan la joogo dhaqaalaha wadanku inaanu ku sallaysnayn tiirar adadag. Labada tiir ee uu maanta dhaqaalaha wadanku ku tiirsan yahay waa xoolaha nool iyo lacagta ay qurbajoogtu ay wadanka usoo xawilaan. Labadaasi tiir midwaliba dhibkiisuu leeyahay oo xoolaha nool abaar baa iminkaba fara baas ku haysa oo haddaan sida loo dhaqo aan degdeg wax looga bedelin muddo gaaban gudahood ayaa laga yaabaa inay saaxadda ka baxaan Illaahay maqadaree. Xawaalada dibedda laga soo shubaana dhibkeedu waxa weeyaan dawladaha ay dadkaasi joogaan oo yidhaahda ordoo wadankiinii qabta. Markaa sidaa haloo ogaado oo fadhiga halaga kaco oo shicib iyo dawladba haloo guntado sidii uu wadanku ku heli lahaa iskufilaansho dhaqaale oo halaga soo baxo shuruudaha aan kor kusoo sheegnay.

by: Cabdirashid Axmed Guuleed, email: abdirashidaa@gmail.com

 

Comments are closed