|

Waa Kuma Murashaxa Xisbiga UCID

Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee rasmiga ahi waa Madaxweyne Axmed Siilaanyo haddii aanu hadhow iskii uga tanaasulin iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Axmed Saylici haddii aanu badalin Prof. Ahmed Ismaciil Samater. Murashaxa Xisbiga Wadani waa Guddoomiyaha Xisbiga isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mud. Cabdirahman Cirro, waxase uu humaag badani ku jiraa cida noqoneysa Murashaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka Xisbiga Wadani oo ay adag tahay in uu ku guuleysto Guddoomiye Ku-Xigeenka Xisbigu Mud. Axmed Muumin Seed sababo badan oo jira awgood oo ay kow ka tahay taageerada siyaasadeed ee uu hadda haysto ee Gobolka Awdal oo ah mid aad u diciifa marka loo eego labada Murashaxa ee kale waa Saylici VS Samater iyo Cabdirashid Xasan Mataan. Waxaan sidan u leeyahay, haddii aynu hoos ugu daadegno Xisbiyadda Kulmiye iyo Wadani waxa inoo soo baxaya in Axmed Silaanyo iyo Cabdiraxman Cirro yihiin ashkhaasta ugu awooda weyn uguna taageeradda badan markaad eegto guddaha labadan Xisbi.
Waxaana markhaati wanaagsan iyo tusaale fiicanba inoogu filan wixii kala qabsadey Muuse Biixi iyo hankiisii Murashaxnimo ee aynu ogayn in uu ku dambeeyey tanaasul iyo faryaro bidix baan ka baxay. Halka aynu dib uga dheehan karno tartankii balaadhnaa ee Gaboose iyo Cirro, wallow aaney hal Xisbi ku tartamin haddan sida deegaan ahaan u kala baxeen waynu la wada soconey, amabase uu markii dambe Cali Waran Cade uga soo digo rogtay markii uu qiyaasay rajadda siyaasadeed iyo damaciisa shakhsi ee ku aadan Xisbiga Wadani. Haddaba, Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waa uu ka duwan yahay Axsaabta kale sababo siyaasi ah awgood. Waxa kow ka ah in uu si toosa uga tanaasuley Murashaxnimadii Guddoomiyihii Xisbigu oo ahaa shakhsiga ugu awooda weyn Xisbiga UCID, mararka qaarna laguba sheego in uu yahay Xisbigu kaligii. Waxana tusaale fiican u ah sida uu uga xoreeyey dhamaan cidii hunguri kaga jiray in ay kala wareegto Xisbiga amaba Murashax ka noqoto.  Waana tii markii dambe keentey in dhamaan kaadiriintii Xisbigu hadh cad ka dhaqaaqaan. Haddaba waa kuma Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID? Waa tan su’aasha ugu kaliftey in aan maqaalkayga kaga jawaabo isla markaana ku saadaaliyo cida noqoneysa Murashaxa Xisbiga UCID.
Waxaynu ognahay in UCID yahay Xisbiga kaliya ee shacbiga Reer Somaliland loo tusay in uu soo xushey isla markaana ku dhawaaqey cida ku guuleysatey Murashaxnimada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa. Nasiib wanaag ama Nasiib daro midka ay doonta ha noqoto e, Xaqiiqda jiritaanka arintan waxa ka hor imanaya nidaamka dimuqraadiga ah ee ay Somaliland qaadatey. Waxa mihim ah in aynu si toosa uga jawaabno Murashaxnimada Jamaal ma tahay mid sharciga Xisbiga iyo kan Qaranka waafaqsan? Sida ku cad xeerarka dastuurka Xisbiga UCID iyo kan Qaranka waxa Murashaxa Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisa lagu dooranayaa laguna ansixinayaa Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID.  Ka dib waxa loo gudbinayaa marka ay gaadho xiligeeda Komishanka Doorashooyinka Qaranka si ay u hubiyaan cida Murashaxa u noqoneysa Xisbigu in ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, ee dhinacyada Muwaadinimadda iyo in aanu dhalasho dal kale haysan, dambi maxkamad horteed lagaga cadeeyey aanu jirin, bixiyey lacagtii fee ga ahayd ee looga baahnaa, isaga iyo xaaskiisuba haystaan Diinta Islaamka, da’da dastuurku u ogol yahay Murashaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisa iyo buuxinta shuruuda aqoonta waxbarasho ee looga baahan yahay. Waxa hubaal ah in aaney sadexda Xisbi Qaran midkoodna Murashaxiin sharci xeerka doorashada waafaqsan aaney lahayn inkasta oo ay cidi kor ama hoos ugu magacaaban tahay dadkuna tuhmayaan.

Wallow Jamaal buuxiyey shuruudaha badi kor ku xusan, haddana waxa hubaal ah in aanu Xisbiga shuruudihiisii sharci ee ansixinta Murashaxiinta u tartamaya doorashadda aan marnaba Jamaal lagu ansixin Shirweyne Gole Dhexe oo uu Xisbigu yeeshay. Halka waxa inooga soo baxaysa in Jamaal Cali Xuseen ay Musharaxnimadiisu ku ekayd heshiis ay wada galeen Faysal Cali Waraabe, oo xiligaa u arkayey in uu Xisbigiisu khatar ku jiro una baahan yahay cid ka badbaadisa in uu Xisbigu ku hadho Doorashooyinka Golaha Deegaanka oo ahaa kuwo is-reeb-reeb ah. Arinta kale ee meesha ka muuqatey ayaa waxay ahayd in Jamaal qudhiisu aad ugu deg-degay ka mid noqoshada Xisbiga oo aanu talo badan uruursan. Waxaana tan cadayn u ah in Jamaal kaliya aqbaley Murashaxnimada oo markaa aad ula weyneyd halka uu ka il-duufay in uu ku gorgortamo ka mid noqoshada Hogaanka Xisbiga oo kaalin mihim ah ka qaadan lahaa in uu ku ilaashado jagada Murashaxnimada, isla markaana talo miisaan leh ku yeesho go’aanada waaweyn ee Xisbiga oo uu hadda Guddoomiye Faysal ku kaliyeystey.

Haddii aynu arintan si aad ah u lafa-gurno, isla markaana siyaasiyan si ka fiirsasho leh isku dul taagno, waxa inoo soo baxaya in aanu lugo adag ku taagneyn Murashaxnimadda Jamaal Cali Xuseen, marka laga eego dhinaca sharciyada ama dimuqraadiyada aynu qaadaney. Dhinac kale haddii aynu ka istaagno arintan waxa kale oo yadana aan meesha ka madhneyn odhaahda xikmadda ah ee odhaneysa Buur ahow ama Buur ku tiirsanow. Ahmed Silanyo waxa uu ahaa aasaasihii Xisbiga Kulmiye, Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxii Xisbiga Kulmiye. Waxa taa u dheeraa isaga oo laf dhabar u ahaa uruurinta dhaqaalaha Xisbiga (Fundraising). Arrinta kale ee awooda siyaasadeed siisay waxa ay ahayd hawshii halgankii SNM oo ololihiisa laf dhabar u ahayd, haddana aqoon yahan cilmiga dhaqaalaha shahaado sare ku haysta isla markaana ah siyaasi weyn oo ruug cadaa ah waana ta u saamaxdey in ay adkaato in xiligii uu mucaaradka ahaa la isla soo taago si loogula tartamo Xisbiga guddihiisa. Maantana wallow uu Guddoomihii wareejiyey waxa halkaa badalkeeda oo ka sii weyn u galey Jagadda dalka ugu sareysa ee heer Madaxweyne oo uu kursigeedii ku fadhiyo. Waana ta aan u leeyahay isaga oo ka tanaasula mooyee way adagtahay ama suuro galba ma aha in cidi kula tartanto Murashaxnimadda Xisbiga.

Buur ahow ama Buur ku tiirsanow baan wali falanqaynteedii ku jirnaaye, Cabdiraxman Cirro waa aasaasahii Xisbiga Wadani, ahna Guddoomiyaha Xisbiga, ahna Murashaxa Xisbiga. Waxa kale oo uu awood dheeri ah ka haystaa oo siyaasadiisa marwalba taageero badan u ah Guddoomiyanimadda Gollaha Sharci-Dejinta ama Wakiiladda oo wax badan u saamaxdey in siyaasiyan loo dhaqaajin kari waayo. Arrintani waa ta keentey in uu Gaboose iyo Cali Waran-Cade kaga adkaado degaan ahaan ugana taageero badsadey. Mararka qaarna waxaabey keentaa in uu loolan adag oo siyaasi ah kula gale oo uu ku ruxo Xukuumadda. Tusaale ahaan tiraba laba jeer bay ku hirdameen Xukuumadda saaxadda siyaasadda iyo Gollaha Wakiiladdaba, natiijo ahaana waynu ka wada dheregsan nahay waxa ka soo baxay in ay noqdeen barbardhac iyo isku tanaasul. Hadda oo ay is hayaana waxa ay ku dambeyn doontaa isla barbar dhicii hore iyo kalama adkaan. Dhanka kale Guddoomiye Cirro waxa uu aad ugu hawlan yahay oo uu Madax iyo hormuudba ka yahay dhaqaale uruurinta si uu awood balaadhan iyo kalsooni uga helo guddaha Xisbiga isla markaana uu u balaadhiyo khariiradda ololaha siyaasiga ah ee damaciisa Madaxnimo.

Haddaba, akhristow aan isku soo dhawaano e ma kuula muuqataa Murashax Jamaal Cali Xuseen in uu awood ku leeyahay Xisbigiisa la mid ah awoodaha labada Murashax ee kor ku xusan? Jawaabtu way dhib yar tahay oo waa maya. Dadka in badan ayaa waxa ay aaminsanaayeen in Jamaal haysto dhaqaale badan taas oo dareenkeedu ka yimi xiligii Xisbigii UDUB ee uu Jamaal qadimey lacagtii badneyd ee lagu xidhay Murashaxa Xisbiga. Lakin dadka intooda badani waxay meesha ka saareen in Jamaal wallow uu shaqo fiican oo heer sare ah ka hayey City Bank haddana in uu ahaa shaqaale u xaadira mushahar joogto ah oo aan ku filaan kareyn marnaba in doorasho iyo siyaasad aynu ognahay in 2003 Xisbiga Kulmiye ku waayey 3 million oo lacagta adag ee Maraykanka ah uu si dhib yar u tahli karo. Taariikhda siyaasadda sida aynu ku hayno xataa wadamadda hore u maray khariiradda ololaha iyo dhaqaalaha doorashadu waa laf dhabarta tartan doorasho ee Xisbi ku talo galo. Jamaal Cali Xuseen sida warar lagu kalsoon yahay aan ka helay waxa uu Xisbiga UCID ka dhex sheegay in uu dhaqaalaha tartanka doorashada ka filayo in uu ka helo 1000 qof oo min $1,000 una badan dad Qurbe-joog ah oo balanqaad u sameeyey. Arrintaasi waxay keentay in masuuliyiin badan oo Xisbiga UCID ahi dib isku taagaan. Waxa kale oo ay keentey in Xisbigu muddo dheer siyaasiyiin magac leh oo dibad wareegii ay ku dhiiran waayeen ku biiristiisa oo ay ka mid yihiin Madasha Wada Tashiga, sidoo kalena dhamaan Wakiiladdii qurbe-joogta ahaa iyo Masuuliyiintii Goboladda iyo Degmooyinku hadh cad ka dhaqaaqaan. Maantana waxa la filayaa in Faadumo Siciid oo gacanta midi gee Jamaal ahayd ay ka xamaan uruursaneyso Xisbiga. Waana taa su’aasha keentay waa kuma Murashaxa Xisbigu isla markaan khilaaf weyn dhex dhigtey Faysal iyo Jamaal.
Buur ahaw ama Buur ku tiirsanow ayeynu wali ku guddo jirnaaye . Arinta kale ee meesha ka muuqata ayaa waxay tahay in Jamaal qudhiisu aad ugu deg-degay ka mid noqoshada Xisbiga oo aanu talo badan uruursan. Waxaana tan cadayn u ah in Jamaal kaliya aqbaley Murashaxnimada oo markaa aad ula weyneyd halka uu ka il-duufay in uu ku gorgortamo ka mid noqoshada Hogaanka Xisbiga oo kaalin mihim ah ka qaadan lahaa in uu ku ilaashado jagada Murashaxnimada, isla markaana talo miisaan leh ku yeesho go’aanada waaweyn ee Xisbiga oo uu hadda Guddoomiye Faysal ku kaliyeystey. Bil Xakis Jamaal ma aha aasaasihii Xisbiga UCID, ma aha Guddoomiyaha Xisbiga UCID, mana aha laf-dhabarta dhaqaale ee Xisbiga UCID. Inkasta oo uu Xisbigu tartankii Gollaha Degaanka ee 2012 ku naajaxay doorashaddii, haddana wali uma muuqato in uu taageero laxaad leh ku leeyahay Guddaha Somaliland. Illaa iyo haddana waxa ugu cad cad Faysal iyo Cali Guray oo had iyo gooraale saxaafadda ka muuqda.

Haddii aynu arintan si aad ah u lafa-gurno, isla markaana siyaasiyan si ka fiirsasho leh isku dul taagno, waxa inoo soo baxaya in aanu lugo adag ku taagneyn Murashaxnimadda Jamaal oo uu xulashadiisa lahaa. Waxa marag ma doon ah in Faysal isku dayey in uu ka taqaluso Jamaal, nasiibdaro ama nasiib wanaag kay doonta hanoqoto e, waa ay u suuro gali kari weydey sababo la xidhiidha sharcnimadda Faysal ee Guddoomiyanimadda oo aanu Dastuurka Xisbiga iyo kan Qarankuba baneyneyn in uu saddex doorasho xileed isku taago Guddomiye. Waana halka kan meesha uu nafla caaridkii Jamaal cuskadey taas oo aakhirkii Faysal cabsi gelisay hamigiisii ahaa in uu xididada u siibo Jamaal iyo Musharaxnimadiisa, iyo waliba arrinta kale ee yaa badalkiisa noqonaya haddii Jamaal meesha ka baxo mar haddii Faysal sababo badan oo jira uga tanaasuley. Haddase Faysal waxa uu kulamo badan oo uu guddaha dalka iyo dibadiisaba ka sameeyey ku ogaadey in ay jiraan Murashaxiin badan oo u diyaar ah in ay isku soo taagaan Jagadda Murashaxnimadda ee Xisbiga halka Cabdirashiid Xasan Mataan uu kalsooni badanoo Xisbiga guddihiisa ah ka haysto oo ay u egtahay in uu isagu booskiisu ku xafidan karo.

Haddaba, haddii ay arini sidan u cakiran tahay waa maxay talaabadda kale ee uu Xisbiga UCID ku xulan karo Murashaxiisa doorashadda soo socota. Wallow ay u muuqato in ay si u adag tahay, haddana wali waxa jira xeelado siyaasi iyo kuwo sharci oo loo cuskan karo si loo gabo-gabeeyo sheekadda Musharaxnimadda Jamaal kalinimada u sheegto. Somaliland waa dal dimuqraadi, marka aan leeyahay waa dal dimuqraadi ah waxaan ka wadaa in aaney suuro gal ahayn in si toos ah cidina u diido in kuraasta siyaasadda ee Xisbiyadda lagu tartamo. Waxaynu la wada soconaa in Ummadda Reer Somaliland u haraadan tahay aragtida siyaasadda xorta ah iyo tartanka Axsaabta dhexdiisa ee aaney siyaasaddu kaliya tartankeedu noqon in lagu tartamo kursiga Madaxtooyada, halka ay Axsaabta rag gaar ahi ka dhigteen guri ay iska leeyihiin. Marka ay gaadho xiliga Komishanka Doorashooyinka Qaranka loo gudbin lahaa Murashaxiinta axsaabta waxa bilaabmi doona tartanka xulashadda Murashaxiinta Axsaabta waana halkaa halka Xisbiga UCID uu ku muujin doono si dimuqraadi ah cida u tartameysa Murashaxnimada Madaxtooyadda. Xulashadan ayaa noqon doonta ina daanweyne uu Xisbigu ku tartamo halka labada Xisbi ee kale si dhib yar gacanta loogu taagi doono. Guntii iyo gebo-gebadii Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxay u muuqataa in markii ugu horeysay taariikhda Somaliland u horseedi doono in Axsaabtu ka baxdo siyaasada lahaanshaha iyo u garbaduubnaanta shaksiyeed. Kolba haddii Faysal ka tanaasuley Murashaxnimadii Jamaal na tartan xalaala oo furan lagula galo Xisbiga guddihiisa. Masaladani waxay dadka reer Somaliland u iftiimin doontaa waacusub oo siyaasi ah waxana lagu baran doona nidaamka tartanka doorasho oo xor iyo xalaal ah oo ka dhaca guddaha Axsaabta Qaranka. Kaas oo guul u noqon doona dimuqraadiyadda Somaliland ee curdinka ah. Wabilaahi Tawfiiq.
ALLAA MAHAD LEH
Mohamed Hagi Mohamoud a Political Scientist and a Social Researcher, and an author of Academic Articles in East Africa. Department of Political Science. The University of Warwick. Email: mohamedomar1@hotmail.com or M.Hagi-Mohamoud@warwick.ac.uk.

Comments are closed