Waa in Bulshada lagu baraarujiyaa ka Qayb qaadashada Nabadgalyada iyo la Shaqaynt hay,adaha amaanka. Wasiir Warancade
Burco 15.June 2014 (SDN/QJ)- Shir looga hadlay xoojinta nabadgelyada iyo is-dhexgalka bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Kulanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo kuwa maamulka gobolka.
Madaxda gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco ayaa tilmaamay in is-dhexgalka bulshadu muhiim u tahay adkeynta ammaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo hadal ka jeedinayey shirka ayaa sheegay in kulanka loogu talagalay in bulshada lagu baraarujiyo ka qeyb-qaadashada nabadgalyada iyo kala shaqeynta arrintaas ee hay’adaha ku shaqada leh.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in dadweynuhu ay ciidan ay leeyihiin u aqoonsadaan booliska, ayna isku dhinac uga soo jeestaan cid kasta oo lidi ku ah amniga.
Burco SDN/QJ
contact@qurbejoog.com