|

“Waa Barnaamij Taxane Ah Oo Ay Ay Idiin Daadihinayaan Labada Agab Ee Qalin Iyo Buug Waa Maad Iyo Madadaalo Siran Oo Hadana Sirgacan Idinkaa Kala Saariye W/Q: Abwaan Maxamed Xasharo.”

London 30.Sep 2013 (SDN)Waa Barnaamij Taxane Ah Oo Ay Ay Idiin Daadihinayaan Labada Agab Ee Qalin Iyo Buug Waa Maad Iyo Madadaalo Siran Oo Hadana Sirgacan Idinkaa Kala Saariye, Waxaanay Had Iyo goorba Ka Faaloon Doonaan Hadba Waxa Indhaha Iyo Dhagaha Dadka Somaliyeed Soo Jiita+Gabay. W/Q: Abwaan Maxamed Xasharo.
Had iyo horaan waxaaan salaamayaa dhamaanba bahda axaafada xorta ah ee somaliyeed wa bacda.

Barnaamijkani waxa uu idin tusin doonaa waxyaabaha iyo hadalada ay bulshada somaliyeed isla dhex marayaan ha ahaato mid siyaasadeed ahaato mid siyaasadeed amaba mid bulsho, waxan ka maqnayn qayabah suugaanta iyo waliba qosol iyo madadaalo

Barnaamijku waxa kaluu xanbaarsan yahay sida ay labada sxb ka ahi had iyo gooraale u wada dhaqmaan amaba wax isu waydiiyaan waa dadka qaarkiiye iyo waliba inta ay wada shaqayntu ka dhaxayso iyagoo isu mararka qaar isu faan,isguubaabiya,is dacaayadeeya,isku xanaaqa,is waaniya,is weheshada,isu hilooba,isu xiisooda,isu mana sheegta,isu tanaasula,wada dooda,isla murma iyo waliba wax yaaboo kaloo badan oo dhex yaala bulshada noocyadeeda kala duwan,

Hada waxaanu maanta kusoo qaadan doonaa barnaamnijka sawirkan madaxweynaha somaliya oo ay is waydiinayaan Mr QALIN iyo Mr BUUG waxa kaloon ka maqnayn sidaan horeba u sheegnay isu mana shegashadii iyo waliba qaybo kalee sir ah oo nin waliba siduu doono u fasiran doono oo diirada saaraya sar ilaa seex arimaha ummada somaliyeed gabi ahaanba ma koonfurbaa ma somalilandbaa mise waa jabuuti,kilika shanaad amaba keenya adigaa kala sheegi ama ku shaqiqi doona.

Waxa maalin walba iyo marwalba barnaamijka ku lifaaqnaan doona gabaygan oo ah mid ka faaloonaya labadooda.

Qalin waa abwaan

Buugna aftahan

Waa laba odoo

Maalin iyo alayl

Arimaha aduun

Isu soo bandhiga

Isma aaminaan

Isma diidayaan

If af-garadna daa

Waa ul iyo diir

Alxan iyo birtii

Eray iyo odhaah

Iyagoon la siin

Ama iib ku helin

Ayay ururiyaan

Ab wixii la yidhi

Ilawshana ma laha

Alif iyo dhamaad

Midi waa agoon

Aabihii la dilay

Isagoonan arag

Midna waa aroos

Toban ubadda loo

Aanay wali is arag

Labaduba olole

Doorashana lahayn

Ayuunbay unkaan

Xil irdhoobayoo

Awawgood ka tagay

Ayay daba socdaan

Ehel iyo xigtana

Way ka aradanyihiin

Aqal qudha malaha

Xeray ku oodanyiin

Aan lahayn afsaar

Ardaabay shiraan

Aan iftiin lahayn

Anfac iyo biyana

Arsaaqada illaah

Ayuunbay sugaan

Haday laba eray

Ay is dhaafsadaan

Agga iyo Dhagay

Isu dhiibayaan

Isla yaab aduun

Ayuu midiba kale

Ku Alhuumayaa

Mana laha ergiyo

Ehel kala qabtoo

Aduunyadu ma oga

Waa laba adoon

Oon cidina tabin

Inay aadmi yiin

Ciddi aqoonsanayn

Ictiraafna daa!!!!!

SHEEKADA QALIN IYO BUUG..QALIN:Aan kugu qoro BUUG: sxb ha igu qorine iga daa plz..Waar iska kaaya keen aanu kugu xariiqnee.Dee Bal Waayee Ha igu wada duugin..BUUG:Wuxuu Yidhi oo tollaw nimankani maxay ahaayeen??QALIN: waa maxamweynahihii somaliya oo la feestaynaya qaramada midoobay..BUUG:Waan gartay Markaasuu ku xijiyay BUUG:oo tollaw koobka uu haysto maxaa fadh-fadhiya??!! QALIN:Iyo Walahi Garanmaayo balse waxaan filayaa waa fiimtoo.
BUUG: Wager iyo fiimtoo waar adeer reer galbeedku fiimtoo iyo feesto isma dhex dhegaane maad nagu qori mise anagaa is daabcna?
QALIN: waaryaahe buug. BUUG.heeeee QALIIN:Waaryaahe xaashi loxoox
BUUG: kow oo miyaad bilawday waar waxaad nagu qoraysaabaan jirine adeer wadada cagta saar
QALIN:Oo maxaa dhacayeed la xanaaqday
BUUG: Ilaa maalintii nala sameeyay iyo maalinkaa maanta ah dushuunbaad naga saaran tahay faa’diido aan khad iyo uskag ahayna kaama hayno.ku darsoo anigoo cad oo cad oo sidii la igu ogaa dayaxana ka cad ayuunbaad igu dul dhacdaayoo waxaan miid iyo liin u kala garan waayay ayuunbaad QARARAF,QULULUM igu siisaayo cidina dib waxba iiguma fasho markaasaad adna xaashi laxoox iyo canjeero uun igu sheegtaaye adeerow ina kala daa!
QALIN: hahahaha walaahi waakaa xanaaqay saxiibkay oo imika ma nimanka iska feestaynayaa isku keen dhufanaya? waarbal raali ahaw kolay kala maarmi maynoo ileen waa isu baahanahee..aniguba adigoo heedadaw ah oo wax alaale waxaad taraysaa jirin ayaa indhaha binu aadamka ku tusaa. oo aan kugu daabacaa!! wad iyo waaqicba waar miyaad xasuusan intaan adiguun kaa shaqaynaayay ee aan sir iyo caad,subaxdii timaadiyo habeenkii socdaalaba si sax ah kuugu qoraayay, imisaad i mahadisay oo aan madxaf ku dhex dhigay imisaad iskuuluun dhex taal,tirro male ee naga daa hanaga xanaajine!!
BUUG:hahahaha oo sowdiga xanaaqay maaha waar dee waan kula kaftamaayee sidaan kamaan wadin oo waad igu hurguftay uune waar bla is daji kala maarmi maynee.
QALIN: waar heedhe hadaynu is fahamnaye sheekadeenii ku noqoo nimankani maxay wadaan
BUUG:kow dee intii dhahaa heelo loo tumayaa
QALIN:intee??dee intii:intee iyo intii
BUUG:waar heedhe imika koobka miyaad garan wayday nimcaa fadhidee
QALIN:nimcadaaba dhacday oo adigu ma shay casoo amaan laad aragtay waar naga tag
BUUG:oo hadan la amaanin maxaa dumarkii ku waalay casaaneey..casaaneey
QALIN:waar yaahe iyo “hee” waar bad kale ha ina galine roodhodaada iska cun
BUUG:waaryaa qalin “hee”sxb imika miyaad garanwayday waxan madaxweynuhu la shawaqay?
QALIN:dee niyaw malaha waa sacfaraan
BUUG:anigu waaba dhiig baan ku leeyahay waa sixirkii u danbeeyay
QALIN:waar heedhe garan maynee guddi ma u saarnaa
BUUG:allaylahe imikuunbaad asiibtay aynu guddi u saarno
QALIN:haye waa inoo sidaa guddidaa aan ka war sugno maca salaama
BUUG:waayahaye waa inoo sidaa maca saruura.

Waa barnaamijkeena QALIN & BUUG oo aynu hadh iyo habeenba kaga faaloon doono hadba wixii indhaha iyo dhagaha shicibka somaliyeed soo jiita waana barnaamij taxane noqon doona waxaii fikir ah ama ka tallo bixin ahba waa loo baahan yahay..aadbaad u mahadsan tihiin.

Qalinkii:Abwaan Maxamed Xasan Xasharo

Email Sharmashaacir09@gmail.com

Comments are closed