|

“Waa Bar Bilow fiican oo lagu Farxi karo is Dhiibista Sh.Atam” Madaxweynaha Punt land

Garowe 08.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo waraysi siiyay VOA ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan isi soo dhiibitaanka Hoggaamiyihii Alshabab u qaabilsanaa dhanka Buuraha Galgala ee Maxamed Siciid Atam.

gaaskaDr.Gaas ayaa sheegay inay tahay mid bilow ah isla markasna ah kusii farxi lahaayeen inta ku hartayna Buuraha Galgala ay sida Atam oo kale samayn lahaayeen.

Dowladii hore ee Cabdiraxamaan Farole ayaa dagaal xoogan la gashay kooxda uu Atam ku haystay Buuraha Galgala taasoo markii danbe kaliftay inuu ka baxsado Buuraha Galgala ina dhaqaaqo dhanka Koofurta Somalia.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya Atam inuu ku noolaa mudooyinkii lasoo dhaafay magalada Muqdisho balse aan la cadayn karin inuu gacanta ugu jiray DF iyo inuu kasii mid ahaa kooxda Alshabab.

Go’aanka uu isku soo dhiibay Atam ayaa waxay dhabarjab iyo dhibaato ku tahay saraakiisha sar sare ee kooxda oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo la leexday shareecada islaamka shacabkana isla laynaya.

Madaxda DF ayaa dhankooda soo dhaweeyay go’aanka uu Atamka qaatay kooxda Alshabab oo dagaal xoogan kula jirta DF iyo ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan.

Horay DF waxaa gacanta ugu jiray Xasan Daahir Aweys oo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Axmed Godane sababtay in markii danbe uu kasoo baxsado.

Basle maxkamad ku taala Dalka Turkiga ayaa dhowaan xukun ay ku riday madaxda sar sare ee kooxdaasi waxaa ku jiray Awesy oo DF gacanta ay ku hayso waxayna taasi culus ku keentay madaxwaynaha DF oo la jahweerarsan sida uu ka yeeli lahaa go’aanka Turkiga oo ka mid ah dowladaha dhaqaalaha tooska ah siiya DF.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed