|

Gudoomiyihii Wargayska Haatuf ee Xayiran oo Xaalad Caafimaad la soo Deristay iyo Hogaanka Xisbiga Ucid oo Gurigiisa ku Booqday Halkan ka DAAWO

ucid iyo YuusufHargeysa 2/9/2014 (SNN/QJ) musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal  Cali Xuseen ayaa sheegay in xadhigi iay xukuumadu u gaysatay gudoomiyaha wargeysa xayiran ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe uu keenay inay xaaladiisa caafimaad xumaato.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo hogaaminayey masuuliyiinta ugu saraysa xisbigaas oo maanta booqasho ugu tagay Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay xukuumadu ka waantowdo cabudhinta lagu hayo warbaahinta madaxa banaan.

Ugu horayn musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo ka hadlaya xaalada caafimaad ee Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu soo booqanay Yuusuf cabdi gaboobe oo ah halyey qaali ah oo mujaahid ah door laxaad lehna ka soo qaatay  xorayntii dalka  iyo halgankii saxaafada labadabana taariikh weyn ku

leh, waana la ogyahay in wargeyskiisii Haatuf iyo Somaliland Times  labadaba la xidhay isagana xadhig loogu daray, xadhigii loogu darayna waa kaas maanta dhaawacu ka soo gaadhay ilaahayna waxaan uga rajaynaynaa inuu caafimaad siiyo.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen waxa uu xukuumada ugu baaqay inay  ilaaliso madax banaanida warbaahinta isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo wargeysyada xidhan waxaanu yidhi “Dawlada somaliland waxaanu leenahay sidii baaqii hore ee caalamku soo jeediyeen waa inaan saxaafada la cabudhin, wargeysyada  inta badan sida xaqdarada u xidhnaa  ee sida sharci darada ah loo xidhay  ee Hubaal, Haatuf iyo Somaliland Times  waa in  la sii daayo wax wanaagsana maaha inay xidhnaadaan,  waana ayaan daro in wargeysyadii ku hadlayey afka xukuumada ee madaxtooyadu samaysay  inay waxay doonaan iska qoraan oo u madax banaan yihiin magaalada, kuwiii xaqa sheegayeyna la xidho, xaqa umadana lama duudsin karo oo lama xidhi karo ayaanu leenahay, Yuusuf waxaanu ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad taam ah siiyo.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid

Dhinaca kale musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo isaguna ka hadlay booqashadan ay ugu tageen gudoomiyaha wargeysa xayiran ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa u rajeeyey inuu ilaahay caafimad siiyo waxaanu yidhi “Saaka waxaanu halkan ku soo booqanay aqoonyahan Yuusuf Cabdi Gaboobe oo runtii ah saxafi taariikh badan ku leh somaliland  mudo badana aanu is naqaanay, hadana u xanuusanaya dhibaato ka soo gaadhay xadhigii u danbeeyey iyo qaabkii loola dhaqmay, waxaanan ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaadka u soo celiyo,kolayna wixii dedaal ah waxba laga hagran maayo, waa nin aan laga maarmi Karin marka la eego saxaafada  waxaanu ka mid yahay ragii dhidibada u taagay  saxaafada somaliland .” ayuu yidhi musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan.
Ugu Horayn musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan

Sidoo Kale Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid ayaa Halkaasi ka hadlay isla markaana iftiimiyay talaabooyin ay Xukuumada Jirtaa ku Cabudhinayso Xoriyatul Qawlka .

Geesta kale Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Yuusuf Maxamed Cali Guray ayaa Sheegay inaanay ahayn Wax loo Dul qaadan karo Sida uu Maamulka Jiraa ugu tacadiyay Haldoorkii ay Bulshadu ku dhaadanaysay waxaanu balan qaaday in intii awoodooda ah ay gacan ka gaysan doonaan Xal u helida Caafimaadinta Gudoomiyihii Wargayska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan@Qurbejog.com

Concat@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed