|

Villa Somalia Oo Saaka Laga Rarayo 150-Qoys iyo Shirkado Dhex Deggenaa Muddo Badan iyo Sababo Loo Aanaynayo

Muqdisho:Aug,01,2014(SDN/QJ)-Wararka saaka laga Helayo Xarunta Looga Taliyo dalka ee Villa Somalia, ayaa sheegaya  innay Halkaas ka socoto qorshe lagu rarayo qoysas tiro badan oo muddo dhex degenaa Aqalka Madaxtooyada.

vila somalia Maadaama dalku in badan qas ku soo jirey, waxa madaxtooyadu gabbaad u ahayd Boqolaal Qoys oo intooda badani ah qoysaka wasiirrada iyo saraakiisha Dawladda, kuwaas oo haatan loo sheegay inay ka guuraan aqalka Madaxda qaranka sababo ammaan dartood.

 

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Amarka lagu barakicinaayo Xaasaska iyo Carruurta Wasiirada iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka uu bixiyay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag.

 

Qoysaska iyo Carruurta Mas’uuliyiintaasi Saaka la barakicinaayo ay la sheegayaa inay kor u dhaafayaan 150 Qoys, waxa ayna Arrintani ka dambeysay kadib weeraro kala duwan oo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Somalia.

 

Sidoo kale, Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag, ayaa waxaa Madaxtooyada looga rarayaa Shirkadaha Xarumaha ku dhex leh Madaxtooyada, kuwaasi oo Saaka furfuranaya qalabkii halkaasi ugu xidhnaa.

Ereg waxa uu sheegay in madaxtooyada ay tahay kaliya hoyga qoyska madaxweynaha Soomaaliya iyo xafiiskiisa, wixii intaas kasoo hadhana ay tahay qalad inay halkaas ku sugnaadaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed