Villa Somalia Oo Looga Yeedhay Safiir Ku Eedaysan Kala Qaybinta Dalka
Muqdisho:17-Nov-2013(SDN)-Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa Xarunteeda Villa Somalia Ugu Yeedhay Safiirka, maadaama lagu Eedaynayo inuu Dunida Aqoonsi hoose uga raadinayo ismaamulka Koonfur-galbeed soomaaliya oo haatan shir lagu dhisayaa ka socdo Magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeedhay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Turkiga Maxamed Mursal kaas oo muddo dhowr sano ah safiir ka ahaa dalka Turkiga ooSoomaaliya ay la leedahay xidhiidh wanaagsan, waxaana lagu eedeeyay safiirku in Turkiga uu kala hadlay arrimaha maamulka K/fur galbeed.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal Safiirka ayaa hadda waxa uu ku suganyahay magaalada Muqdisho, wuxuuna u hogaansamay sida ay wararku sheegayaan u yeedhitaanka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya si wax loogu weydiiyo eedaymaha loo heysto.
Mid ka mid ah howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibadda oo warbaahinta u xaqiijiyey in Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya uu u hogaansamay u yeedhitaanka, wuxuuna shaqsiqaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda uu intaasi ku daray in hadda su’aalo laga weydiinayo eedaymaha loo soo jeediyay oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay safiirku.
S.D.N