Venezuela Oo Saacado Gudahood Dalkooda Kaga Saaraya Diblomaasiyiin Maraykan ah
Caracas:1-Oct-2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in dalkiisa laga musaafurinayo diblu maasiyiin sar sare iyo laba shakhsi kale, kuwaasi oo lagu eedeeyay kulan ay la qaateen mucaaradka dalkaasi hogaanakooda ayna ku dhiirigeliyeen falal lidi ku ah dowladooda.
Waxay aheyd murannadii ugu dambeeyay ee u dhaxeeya hoggaamiyaha dalkaasi iyo Mareykanka, wixii ka dambeeyay markii bishii April uu ku guuleystay doorasho ka dhacday ka dib geeridii Hugo Chavez.
Maduro ayaa sheegay in masuuliyiinta Venezuela ay siiyeen bilooyin markii hore diblumaasiyiintaasi laakiin iminka ay u qabteen muddo 48 saac ah inay isaga baxaan dalkaasi.
“Waxaan ka hortagnay koox masuuliyiinta safaarada Mareykanka ka tirsan kuwaasi la kulmay mucaaradka kana dhaacidhinayay waxyeeleynta dhaqaalaha dalka”ayuu yidhi madaxweynaha mar uu la hadlay warbaahinta dalkaasi.
Wuxuu sheegay inay dhoofin doonaan Kelly Keirderling kaasi oo la sheegay inuu ahaa hogaanka Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Venezuela.
Sidoo kale dowlada Venezuela ayaa cadeysay in laba diblumaasiyiin oo kale oo kala Elizabeth Hunderland iyo David Mutt, waxaana wasaarada arimaha dibada Mareykanka ay sheegtay in ilaa iyo iminka aanay helin ogeysiis shaac baxsan.
Muranka u dhaxeeya dawladaha Maraykanka iyo Vezuela ayaa muddo dheer soo taxnaa, waxana la filayey inuu hoos u dhacayo ka dib geeridii Chaves, balse wali waa halkeedii.
S.d.N
Contact@somalidiasporanews.com