|

Ururweynaha Al-qacida Oo Iclaamisay Qorsheyaal ay Kaga Hawlgelayaan Goobo ay ku jirto Hindiya

Kabul:Sep,04,2014(SDN/QJ)-Madaxa Kooxaha ku Bahoobay ururka Al-qaacida Dr Ayman L-Zawahiri, ayaa soo saaray Muuqaal cusub oo uu kaga dhawaaqay tallaabooyin lagu derdergelinayo Hawlahaha jihaadka ah ee ururkiisu  caalamka ka wado.

sawaahiHoggaamiyuhu waxa uu sheegay inay xafiisyo cusub ka furteen dalka Hinidiya,iyadoo shaqada xafiiskaas cusub lagu sheegay sidii  looga Hawlgeli lahaa Koonfurta Qaaradda Asia.

Muuqaalkan oo soconayay 55-daqiiqo ayaa balan qaaday inay dib u cusbooneysiiyeen garab-istaaga iyo u daacad ahaanshaha Hogaamiyaha Talibanka Afganistan Mullah Omar.

Waxaa uu sheegay in faraca cusub ee India ay noqon doonto mid isku xidha Muslimiinta ku nool dalalka Bangaladesh, Pakistan, Burma, Maamul goboleedka India ka jira ee dadka muslimiinta ay ku nool yihiin iyo Gobolka Kashmiir.

 

“Al Qaacida xaruntiisa cusub ee India waa fariin cusub oo Muslimiinta ku nool Burma, Bangladesh iyo Maamulada India ka jira, sida Assam, Gujarat, Jammu iyo Kashmiir, halkaasoo aan Muslimiinta ku nool ee dhibaatada iyo cadaalad darada lagu haayo aan ku soo furan doono”ayuu yidhi Ayman Al-zawaahiri.

Al-Qaacida ayaa ka howl gala dalal badan, sida Waqooyiga Afrika, Gacanka Carabta iyo dalal kale oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana u weecashadooda dhanka Koofur Aasiya loo arkaa mid kooxdu ay awoodeeda ku baahineysao.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed