|

Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (SSE) oo Bulshada ka hambalyeeyay Ciidul Adxa

London Oct 26,2012(SDN)-Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) wuxuu dhammaan bulsho-weynta Islaamka, gaar ahaana dadka reer Somaliland dhambaalkan idiinku soogudbinayaa munaasabada Ciida-ul Adxada.
Ugu horreyn Ilaahay ayaa mahadi u sugnaatey iyadoo dalkeena iyo dadkiisuba ay ku ciidayaannabadgelyo isla markaana farxada ciidu ay inoogu soo galeyso inagoo ku sugan xasilooni iyodeganaansho.
Mar labaadka waxa aanu qurbo joog ahaan idiinka boogaadinaynaa shicib ahaan iyoxukuumad ahaanba sida aad heeganka ugu tihiin ilaalinta nabadgelyada, xasiloonida iyo horumarka
dalka.
Guud ahaan dadka reer Somaliland mid dalka ku nool iyo mid qurbaha ku suganba waxaururweynaha SSE idiinku boogaadinayaa munaasbada ciida oo aanu idiin rajaynayno inaad ku ciidaanjawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo raynrayn.
Waxaanu idiin soo gudbinaynaahambalyo diiran oo aanu idin leenahay farxad iyo qalbi furan ku ciida. Munaasabada ciidan Adxadaayaynu Ilaahay ka baryaynaa in goobaha aynu ku kulmayno jawigooda iyo qaabka aynu u ciideynaauu inoo noqdo mid kheyr iyo wanaag uu weheliyo.
Sidoo kale Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu Ciidadambe inagu gaadhsiiyo wanaag, nabad, barwaaqo iyo Somaliland oo aqoonsi ka hesha bulshadacaalamka.
Munaasbada Ciida darteed ayaanu dhammaan dadka reer Somaliland xasuusinaynaa inayciidayaan iyaga oo qaran ah isla markaana wax badan u qabsoomeen tan iyo intii ay dib ula soonoqdeen dowladnimadoodii iyo xorriyadooddii.
Waa Ilaahay mahadii in munaasabada ciida aynu si
wada jir ah u qaybsanayno inagoo haysana nabad iyo xasilooni.
Urur Weynaha SSE wuxuu mar walba xukuumadda iyo shicibka reer Somaliland kula dardaarmayaa inaan marnaba la sahashan qiimaha ay inagu kacdey qaranimada iyo xorriyada aynu maantadugsinayno isla markaana wax walba laga horumariyo sidii loogu faro adeygi lahaa ilaalinta danta
guud.
Hannaanka geedi socodka Somaliland wuxuu weli marayaa marin dhib badan oo ka gudubkiisuu baahanyahay isku duubni, adkeysi, dulqaad iyo shaqo ku salaysan xirfad iyo hawlkarnimo.
Dabcanwaynu dareensanay loolanka siyaasadeed ee dalka ka jira ee laakiin waxa naga farriin ah in mar
walba danta guud laga horumariyo ta gaarka ah si himilada inaga dhaxeysa loogu mideysnaado.
Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diiran oo aanu idin leenahay ku ciida caafimaad iyo farxad.
Alle ayaa mahad leh,
Guddiga Fulinta ee SSE

Comments are closed