|

Ururka Waalidiinta Somalida Canada oo soo bandhigay Qodobo loooga hortagi karo Leynta Dhalinta

Toronto Jan 23,2013(SDN)-Urur ay ku bahoobeen waalidiin ka damqaday leyntaDhalinta Soomaalida Canada oo la yidhaahdo Somali group Positive Change ayaa shalay kulan ay ku horqabteen xarunta gobolka Ontario wxa ay ku soo bandhigeen shan qodob oo wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara ka hortaga dhibaato dheeri ah oo ku timaada Dhalaanka Soomaaliyeed.

Ururka oo kaa shanaya mid ka mida xildhibaanada Gobolka Ontario oo la yidhaahdo Mike Colle ayaa si mug lehuga hadlay i dil loogeystay 47 dhalinyaro oo gobolada Alberta iyo Ontario ku kala noolaa tobankii sano ee u danbeeyay.

Dilalkan ayaan baaritaanada ay mudnaayeen lagu sameyn sida ay Somali group Positive Change sheegeen isla markaana aan loo soo qabqaban denbiileyaasha ka denbeeyay falalkaasi.

Xildhibaan Mike Colle oo halkaa ka mariyay qodoabada shanta ahaa ayaa waxa ka mida;

  • In la abuuro guddi xeerbeegti ah oo baaritaan ku sameysa sababta dilalakan faraha badan aan cidna loogu soo qaban.
  • Mashruuc shaqaaleyn ah oo ay wada jir u hirgeliyaan Gobolada iyo Dawlada Dhexe ee Canada.
  • In si gaar ah Somalida loogu dhiiri geliyo ka hawlgalka ciidamada amniga ee Canada,sida RCMPda iyo Booliska.
  • In Wasaarada Waxbarashada,Guddiyada maamula Dugsiyada iyo Somalida Canada ay si wadajira uga wada shaqeeyeen Waxbarashada khatsatan sababaha ay dhalinta Soomaalidu dugsiyada uga tagaan si xad dhaaf ah.
  • in la xoojiyo Barnaamijka lagu kaafaalo qaado amniga markhaati fureyaasha,si loo dhiiri geliyo in dadka fal danbiyeedyadan ka warhayaahi kalsooni iyo dhiiri gelin ugu noqoto.

Xildhibaan Colle ayaa sheegay in loo baahan yahay in qeybaha kala duwan ee dawlada iyo Booliiskuba hawshan galaan”sida hada wax loo wadaahi waa guuldaro”ayuuyiri xildhibaanku.

Sidoo kale waxa uu xildhibaan Colle sheegay in uu qoraalo u gudbin doono wasiirka cadaalada Rob Nicholson iyo Xeer ialaaliyaha guud John Gerresten si loo hirgeliyo shantan qodob.

Xabiibo Aadan oo k mida ururka Somali group Positive Change isla markaana ah hooyo dhawaan mid ka mida caruurteeda la dilay oo iyana halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in dilka dhalaankan loo geysanayo aan loo arag mid Soomaali u gaar ah balse ay dhalintani tahay qaar dalkan Canada ku dhashay.

Waxaaney Hooyo Xabiibo sheegtay in khasaaraha dilalkan ka dhashaahi uu saameyn doono Canada.

Mar ay ka warameysay sida dilka inankeedii Warsame Aadan loo geystay uu u sameeyay qoyskeeda ayay sheegtay in”Aqalkooda aan hada qofna qof dhunkan ama aaney marxabeyn”.

Dialalka Dhalinta Soomaalida Canada loogu geysto ayaa ah qaar soo noqnoqda oo aan dad badana loo qabqaban.

SDN-Toronto

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed