Ururka u dooda Xuquuqda Suxuufiyiinta ee CPJ oo dalbaday in dawlada Soomaaliya ay siideyso wariyaha BBCda ee Muqdisho
Nairobi Nov 27,2012(SDN)-Ururka u dooda xuquuqda saxaafada ee CPJ ayaa war ay soo saaartay waxa ay ku dalbadeen in xabsiga laga sii daayo wariye u shaqeeya Iddaacada BBCda laanteeda afka Soomaaliga.
CPJ ayaa dalbatay in xabsiga laga siidaayo wariye Ibrahim Maxamed Aadan oo ay qabteen ciidamad adawlada Soomaaliya todobaad ka hor.
Wariyaha ayaa loo hayaa warbixin uuuu ka baahiyay habka ay u dhaqano maxkamada ciidamada xooga ee Soomaaliya.
Wariyaha ayaa loo qabtay baahinta dacwad loo heysto nin ka mida ciidanka oo maxkamadu xukuntay,iyada oo ehelkiisu sheegay in askerigu aanu wax denbi ah gelin laguna soo cadeyn.
Iddaacada BBCda ee uu Ibrahim Maxamed ka hawlgalo ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin xadhiga wariyahooda.
Maxkamada ciidamada ayaa looga yeeray wariyaha si uu u soo bandhigo cadeymaha uu u hayo warbixinta uu tebiyay,ka dibna waxaa loo gudbiyay xabsiga dhexe.
“Masuuliyiintu waxa ay xaq u leeyihiin in ay beeniyaan wararka laga baahiyo,ma ahase in ay xabsiga dhigaan suxuufiyiinta,Ibrahim Maxamed Aadan waa in si degdega loo sii daayo”sidaa waxa yiri Tom Rhodes oo ah la taliyaha CPJ ee geeska Africa.
Inkasta oo ay xadhiga suxuufiyiinta hoos u dhac weyni ku timi hadana waxa sanadkan uu ku suntan yahay ka ugu dilalaka badan suxuufiyiinta Soomaaliyed.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com