Ururka suxuufiyiinta NUSOJ oo sheegay in aaney qeyb ka aheyn abaabulka “2013 Somali Media Awards”
Muqdisho Oct 26,2013(SDN)-Ururka Suxuufiyiinta ee NUSOJ ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay isaga fogeeyeen in ay qeyb ka yihiin abaabulka abaal marin la siinayo warfidiyeenada oo la yidhaahdo “2013 Somali Media Awards”.
NUSOJ ayaa sheegtay in magacooda la been fariimay oo aaney ka warheyn barnaamijkan abaalmarinta saxaafa.
NUSOJ ayaa uga digtay saxaafada iyo shacabka Soomaalida kooxdan abaabuleysa “2013 Somali Media Awards”.
Waxa ay sheegeen mar hadii magacooda si khaldan loo isticmaalay aaney kooxdan abaabuleysa barnaamijka aan la aamini kareyn.
NUSOJ sidoo kale dhaleeceysay in abaalmarinda ay xooga saartay uun dhinacyada arimaha labka iyo dhediga,caruurta,adeegyada iyo baaritaanada saxaafada.
Waxaaney NUSOJ sheegtay in warfidiyeenadu ay shaqo muhiima oo intaa ka baaxad weyn ay ummadahooda u hayaan.
QM iyo ururka suxuufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa la sheegay in ay NUSOJ la abaabulayaan abaalmarinta loogu magaca daray “2013 Somali Media Awards”.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com