Ururka Midowga Yurub oo Maaliyiin Doolar ugu Deeqay Howlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM
Nairobi March 20 2013 (SDN)– Ururka Midowga Yurub ayaa go’aansaday inay bixiyaan taageero dheeraad ah oo ay siinayaan howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya,kaasi oo ay sheegeen inuu door muhiim ka cayaarayo dib u soo celinta Nabadii iyo kala danbeyntii dalka ka jirtay.
Midowga Yurub ayaa howlgalka AMISOM ku kordhiyay Lacag gaareysa €33 million,taasi oo ay ku tilmaameen in AMISOM awood u siineyso inay sii laba jibaaraan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo inay ka soo baxaan waajibaadkooda inta uu howlgalkooda uu socdo.Madaxa horumarka Midowga Yurub Andris Piebalgs,ayaa shaaca ka qaaday inay AMISOM siiwadi doonto kaalmeynta shacabka iyo dhisitaanka goob ka caagan qalalaasaha iyo fowdada ee dalka ka jira si dadka nabadgalyo ah ugu noolaadaan,isagoona hadlkiisa intaasi raaciyay in AMISOM qeyb weyn ka qaadaneyso sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka hor gudban dhibaatooyinka dalka ka jira.Wuxuu sheegay Madaxa horumarka Midowga Yurub Andris Piebalgs,in AMISOM kaliya aysan ka shaqeyneynin dib u soo celinta Nabada sidoo kalena ka caawinayaan Soomaaliya kor u qaadista iyo ka hortagista xaalada si Bini-aadanimada,xoojinta doorka sharciyada iyo abuurista iskuulo wanaagsan oo carruurta wax ay ku bartaan.
Catherine Ashton ayaa sheegtay in taageerista ciidamada AMISOM ay tahay muhiimada koowaad ee hadafka Midowga Yurub,iyadoo arintaas ku micneysay sidii Midowga Yurub qeyb libaax leh kaga qaadan lahaayeen dib u dhiska wadanka Soomaaliya oo mudo ka badan 20-sano dagaalo ku soo jiray.
Ugu danbeyntii Mlaayiinkaan Dolar oo haatan Midowga Yurub uu ku taageeray AMISOM ayaa dhiira gilin u noqon doonta ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo gacan Siinaya Xukuumada Soomaaliya oo dagaalo kala kulmeysa dagaalyahanada Al-shabaab oo xariir wadaag yihiin ururweynaha Al-Qaa’ida.
SDN-Nairobi