|

Ururka Midowga Afrika oo raali gelin ka bixiyay Shil uu Gaadhi Amisom leedahay uu ku galay agagaarka bangiga dhexe

Muqdisho 23.Dec 2013 (SDN)- Danjiraha ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Max’ed Saalax Annadifi oo war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku raali galin kaga bixiyay shil mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM ku galeen agagaarka Bangiga dhexe ee magaalada Muqdisho Sadex cisho ka hor.

Mahamat-Saleh-AnnadifWar saxaafadeedkaan waxaa uu danjiruhu ku sheegay inuu xanuunka la wadaagayo ehelada 2 ruux oo Soomaali ah oo ku geeriyooday shilkaas sida uu yiri.

Danjire Max’ed Saalix Annadifi waxaa uu sheegay in 20 kii bishaan December  uu gaari nooca ciidamada ah uu agagaarka Bangiga dhexe uu ku jiiray mooto ay saarnaayeen 2 ruux kuwaasoo isla goobta ku geeriyooday waxaana uu tacsi u diray ehelada labadaas ruux.

Warsaxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in taliska ciidamada AMISOM ay kiiskaan baarayaan ayadoo su’aalo la waydiinayo dad goob joog u ahaa markuu shilka dhacayay waxaana warku intaa ku darayaa in taliska AMISOM tilaabo qaadi dooni marka baaristu soo dhamaato.

“Aad baan uga naxsanahay shilkaas xumaa runtii qalbigeenu waxaa uu la jiraa ehelada marxuumiinta geeriyootay AMISOM,na raali galin ayay ka bixinaysaa” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka uu soo saaray danjire Max’ed Saalix Annadifi waxaana uu intaa ku daray inay la shaqaynayaan taliska ciidamada illaalada wadooyinka ee Trificada Soomaaliya si kiiskaan looga gun gaaro.

Gaadiidka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa dhawr jeer wadooyinka Muqdisho ku jiiray gaadiid iyo dad Soomaaliyeed.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed