|

Ururka Horumarinta Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodi Jeex oo Kulan yeeshay iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen

Sallaxley 27.Sep 2013 (SDN)- Ururka Horumarinta Dhalinyarada Degmada Sallaxley Oo Ay Weheliyaan Maamulka Waxbarashada Ee Degmada ayaa Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Kala Duwan Oo ay Kamid Yihiin Xubno katirsan Wasaaraadaha Waxbarashada,Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Wasaarada Madaxtooyada, Ururka Samafalka Gaaroodi Iyo Gudida Horumarinta Deegaanka Sallaxley.

Kulankan Oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Horumarinta Dhalinyarada Sallaxley oo ay Weheliyaan Gudoonka Wax barashada EE Degmada iyo ururka Gaaroodi ayaa waxaa ay ula Jeedadiisu ahayd Sidii Loo ogaan lahaa baahiyaha dhanka wax barasho ee ka taagan Degmada Sallaxley Halkaasoo ay Ururka Dhalinyaradu Kusoo Ban dhigeen Wax qabadka Ka Hirgalay labadii sano ee ugu danbeeyay Dugsiyada Degmada Iyo Haatan Baahiyaha Ku Gadaaman Ee u baahan in wax laga qabto.

Munaasibadaasi waxaa ugu Horayn Ka ahdlay Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Sallaxley C/Casiis Coloow Maxamed Kaasoo Sheegay Inay Tuulooyinka Ku Hareeraysan Degmada Oo Dhan gaadhsiiyeen Agabkii Loogu Tala galay Wax barashada iyo Cayaaraha Iyo Sidoo kale wacyi galin ku aadan dhanka waxbarashada Sidoo kalena y u sameeyeen Degmada (Library) Iyo Tababaro ay Siiyeen Macalimiinta Ka hawl gasha Dugsiyada Sallaxley

Sidoo Kale waxaa Isna Hadalo Kooban Ka jeediyay madashaa Gudoomiyaha Gudida dadweynaha Sallaxley Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir Waxaanu sheegay Inay Waxbarashada Degmada Sallaxley ay Marayso Meel Heer sarre ah Waxii ka dhimina wax laga qabto iyadoo lays kaashanaayo waxaanu usoo jeediyay ururka Gaaroodi inay degdeg u bilaabaan deeqahii iyo Taageeradii dhanka waxbarashada ay la barbar taagnaayeen Dugsiayada Ka dhisan Degmada Sallaxley

munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Aamina Xaashi Guuleed oo ka tirsan Haweenka Ururka Gaaroodi Ee Qurba jooga ah Iyo Marwada Saciida Oo uu waheliyo Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Deeg cabdi Digaale Gudoomiyaha Waxbarasahda Ee Degmada Sallaxley C/Raxmaan Diiriye Ismaaciil, Agaasimaha dhalinyada iyo cayaaraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee aaga Bari Ismaaciil Dhubato,

Geba gebadii waxaa halkaa kahadlay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Somaliland Md Maxamed Muuse Abees Kaasoo Sheegay inay waxbarashada degmada Sallaxley Meel fiican marayso Ka xukuumad ahaana ay la garab istaagi doonaan Taagero intii karaankooda ah Kaasoo kun amaanay Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Sallaxley Inuu Waajibaadkiisii shaqo uu u gutay sidii loo baahnaa waxaanu ku Booriyay Inay Halkaa kasii amba qaadaan.

 Sallaxley SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed