|

Ururka Hablaha Suxufiyiinta Somaliland ee WIJA oo Soo dhaweyay Haweenka Xilalka Wasiir uu Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay

Hargaysa 27.June (SDN) Ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland  ee Wija ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku Hambalyeeyay inuu kor u soo qaaday Saamigii Haweenku ku lahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirada kadib Markii uu isku shaan dhayntii uu soo saaray ku magacaabay laba Xubnood oo Haween ah kana kala dhigay Wasiir iyo Wasiir ku Xigeen.

Agaasimaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta Marwo Fahma Yuusuf Ciise ayaa Qoraal ay soo saartay ayaa u dhignaa Sidan :- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu isku-shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, wuxuuna xubnaha cusub ku soo daray laba haween ah; marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Deegaanka iyo horumarinta Miyiga iyo marwo Shukri Xariir Ismaaciil, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Sidaa darteed, marka hore waxaanu Madaxweynaha ku hambalyaynaynaa magacaabistiisa wasiirada cusub ee haweenka ah, kuwaasoo ah xubno hawlkarnimo iyo shaqo wanaag looga bartay, horena wax badan ugu soo qabtay haweenka, bulshada iyo guud ahaan Somaliland.

Waxa farxad noo ah in marwo Shukri Xariir ay ka mid tahay aasaasayaashii WIJA (Somaliland Women in Journalism Association), hoggaanka ururkana ay xubin ka tahay. Sidaa si la mida, ururka WIJA wuxuu ku faraxsan yahay in marwo Shukri Xaaji Baandare ay tahay qof ku haboon wax ka qabasahada wasaarada loo magacaabay, iyadoo aynu ognahay dhibaatada haatan lagu hayo Deegaanka Somaliland.

 

Dhamaan gabdhaha suxufiyiinta Somaliland iyo ururkooda WIJA waxay ku hambalyeynayaan marwa Shukri Xariir Ismaaciil iyo marwo Shukri Xaji Ismaciil Bandare xilalkaa loo magacaabay, waxaanay Illahay ka baryayaan in uu u fududeeyo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed