|

Ururka Danguud oo Kullan ku yeeshay Muqdisho “Sawirro”

Muqdisho April 01,2014(SDN)-Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ururka Danguud oo kasoo qayb galeen xubnaha ururkaasi ayaa looga hadlay sidii loo horrumarin lahaa dhaqanka, Arts-ka iyo Ciyaaraha,waxaana sidoo kale kulankaasi ka qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Wasaarada dhalinyarada iyo Sports-ka maamulka gobolka Banaadir.

Markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa Saxaafadda uga warbixiyay ujeedka kulanka ay iskugu yimaadeen mid kamid ah xubnaha Danguud  wuxuuna sheegay ujeedka laga leeyahay kulankan inuu yahay sidii bulshada Soomaaliyeed loo wacyigalin lahaa isla markaana loosoo noolayn lahaa Arts-ka.

“Waxaan maanta ku yeelanay Xarunteena kulan ballaaran oo kasoo qeyb galeen xubnaha Danguud iyo wakiilo ka socday Wasaarada Warfaafinta, Wasaarada dhalinyarada iyo Sports-ka iyo maamulka gobolka Banaadir, ujeedka aan shirkaan u yeelanay waa in la qabto Barnaamij ku saabsan Arts-ka  ayna ku tartamaan dad kala duwan oo dhalinyaro u badan dibna loosoo celiyo dhaqankii Soomaaliyeed oo runtii uu saameeyay burburkii dalka”.

Sidoo kale waxay balan-qaadeen in Danguud  qaban doonto Barnaamijyo kale oo looga hadlayo arimaha Amniga iyo isdhex-galka bulshada ku dhaqan deegaanda uu ka shaqeeyo Ururka Danguud.

Faarax Aaran oo kamid ah xubnaha Danguud oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Ururka Danguud inuu ka koobanyahay 16 xubnood oo si gaar ah ula socon doono Mashaariicda ay bixiyaan Hey’addaha Caalamiga ah sida USAID iyo IOM inay ku baxeen goobihii loogu talagaley.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed