|

Ururka Codka Haweenka Beelaha la hayb-soocoee loo yaqaan VOSOMWO. Waxaanu si buuxda u Cambaaraynayaa xadgudubyada joogtada ah ee lagu hayo Beelaha Gabooye ee kunool gobolka Awdal garahan magalada Boorama

Ururka codka haweenka laga tiradabadan yahay ee VOSOMWO una dooda xuquuqda beelaha laga tirade badan yahay eeSomaliland ,waxay si xooggan uga waalacsan yihiin xad-gdubyada isa soo tarayaee bilihii ugu dambeeyay lala beegsanayay qaybaha bulshada Somaliland ugu nugulee dadyowga laga tirade badan yahay ee Gobolka Awdal, Ururka codka haweenkalaga tirade badan yahay ee VOSOMWO oo si taxadir leh ula socotay geedi socodkadacwada ciqaabta ah ee lidka ku ahayd 2dii wiil ee Gabooyaha ahaa, ayaa kamarag kacaya in 2-da wiil ee Gabooyaha ahi aanay helin gabi ahaan xaqsoor dhexah oo garsoor iyo cadaaladeed oo xaq ku dhisan. Maxkamadayntooda ayaa laxaqiijiyay in ay u dhacday si ka fog nidaamka cadaalada dalka, XuquuqdaAadamiga, Diinta Islaamka iyo xataa dhaqanka suubanaa ee ay lahaayeenmadaxdhaqmeedka beelaha Somaliland.

 

waxa jirtayin afar sannadood ka hor uu magaalada Boorama isku gubay wiil dhallinyaro ah ooka soo jeeda Gobolka Awdal kadib markii qoyskoodu u diideen inuu guursadogabadh Gabooye ah oo uu jecayl dhexmaray, dhimashada wiilkaas is gubay lagueedeeyey qoyska gabadhu ka soo jeedo, xabsigana la dhigay dhallinyar beelahaGabooye ah oo markii dambe xukun caddaallad-darro ah lagu riday. Waxaanmaxkamadaha Gobolka Awdal ka soo baxday xukun caddaalad-darro ah, kuwaasooxukun caddaaladda ka fog ku riday laba wiil oo la kala yidhaah Mustafe HaybeJaamac iyo Badal Cabdi Aadan,  Maxkamadda Gobolka Boorame ayaa iyadoo iska indho tiraysasharciga iyo dastuurka u yaala Somaliland waxay dil toogasho ah ku xukuntay labo wiil oo ka soo jeedaha beelahalaga tirade badan yahay ee reer Awdal,maxkamadaasi oo majo habaabisay xeerkii uyaalaya maxkamadaha Somaliland ee ah xeerka nidaamka garsoorka , waxa kale ooay ku xadgudbtay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee ay lahaayeen muwaadiniinta reerSomaliland

 

Kadib waxadhacday in odayaasha Gobooye ku qanci waayeen xukunkaas caddaalad-darrada ah,kana dalbadeen qoyska wiilka dhintay inay ugu dhaartaan in labada inan eexidhan ka dambeeyey dilka inankooda, balse way diideen inay dhaartaan. Markiiaannu ku nidhi haddaba annagaa idiin dhaaranayna way diideen, kadibna waxadhacday in kiiskaas loo gudbiyey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, taasoomarkii ay aragtay in aan wax caddaymo ah loo cuskan xukunka dilka ah ee laguriday labada wiil. Waxay kiiskii dilka ahaa ka jabisay labadaas inan, markiiarrintu halkaas marayso ee ay ahayd in la sii daayo wiilasha xidhan, waxadhacday in aabaha dhallay wiilka dhintay ku hanjabay inuu wax dilli doonohalkii uu xukunkaas racfaan uga qaadan lahaa Maxkamadda Sare,

 

Sidoo kale,waxa uu xusay in markale Maxkamadda Racfaanku soo saartay go’aan uu ku sifoobaycaddaallad-darro, Waxa dhacday in Maxkamadda Racfaanku soo saartay saddex sannooo labada wiil lagu xukumay iyo in beesha Gabooye bixiso magta wiilka dhintayoo ah 100 halaad oo loo qaybiyey si sharciga baalmarsan, kuwaasoo loo kalaqaybiyey si aann ku xusnayn shareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba. “Waxala yidhi 100 halaad ha noqdaan 40 halaad oo dhalaya, 30 qaalmood oo midkiibashan jir tahay, 30 halaad oo mid kasta da’deedu tahay 4 jir”. Waxa uuGuddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku noo sheegay in aanan xukunkaas racfaan kaqaadan karin, haddii aannu hadalnana waxa uu amray in nala xidho muddo lixbilood ah, taasina way noo cuntami wayday,dulmigaas aan geedna loogu soogabban.”, taasina waxay kaliftay in ay ka soo cararaaan cadaalada darada,qoyskii uu dhibaataasi ku dhacday oo imik waxay joogaan hargeisa, ugu yaraan70 qoys oo ah ehelada qoyskan ay dhibaatadu ku habstay ee ka cabanaya cadaalada darada kiiskaasi, Kiiska boorame waxa soo raaca kiiska dhacda xumaydee ka dhacay gabilay,oo la ogaa marxaladihii uu soo maray, ilaa maalintii uuloo xukumay inanta loo diidanaa wiilkaa ka soo jeeda beelaha laga tirade badanee uu dhaqanku naafeeyay ee deegaankoodu yahay gabilay.ilaa maalintuu uugudoomiyaha gobal/degmo ee maxkamada gabilay mr faysal, u xukumay in uu guursankaro khaddar mursal mooge, inantaas maadaama oo sharciga islaamku u ogolyahayoo aan sharci u diiday aanu jirin , go,aankii maxkamada dabadii khadar waa uuguursaday inantii ka soo jeeday beelaha tirade badan, iyadoo ay   dheertahay hagardaamo iyo cago juglayn kagaiminaya qoyska ay ka soo jeedo inantu, oo maalinba maalinta kadanbeysa.dhacdani maaha  ,iyadoo oo laogaa hadaba kiiskaasi marxladihii kala duwaan ee uu soo marayay. Ayaya hadanadhacday dhacdo ugub ku ah gabollka gabilay oo qofkii maqlaaba uu yaabayay ooahayd khaddar oo gabadhii in muddaba uu qabay gabadhadii ay u dhashay inan,nasiiba wanaag waa ay ka siqiirtay inantii, iyadoo gabadhii ay uur labaad uqaaday wiilkii ka soo jeeday beelaha la haybsooco ee gabooye , iyadoo shanbilood oo uur leh ayaa laga soo kaxaystay oo loo dhisay inan ayilaamadeeriyihiin iyadoo qofkii maqlaaba uu argagaxayo dhacdan, iyadoo ayna kahadal madaxdii gobalka,madax dhaqmadeedkii. aqoonyahankii,iyo culuumadiinkagobalka, taasina ay noqotay wax la yaabo,

Waxaanuka codsanaynaa  madaxweynaha, madaxweynekuxigeenka, golaha wasiirada, hayadaha garsoorka ,golaha guurtida,hogaamadamadaxdhaqmeedka beelaha boorame, golahabaarlamaanka iyo hayadaha amaanka u qaabilsan ee Somaliland in xuquuqdabeelahaasin ay xil weynka iska saaran ilaalinta xuquuqda dadyowgan laga tiradebadan yahay ee la degan Boorama.

 

Sidaasidarteed waxanu xukuumada Somaliland, u sooo jeedinayaa in beelahan dhaqankunaafeeyay waxa ay u bahan yihiin Hiil Cadaaladdeed dhinaca garsoorka dalka,waayo   waxakalifay iyagoon aan codkooda cidina ma maqasho mudane madaxweyne –

 

Waxa soo Diyaariyay Ururka CodkaHaweenka ee laga tirade badan yahay ee Vosomwo

Comments are closed