Ururka Ardeyda Reer Somaliland Ethiopia SSAA Oo Guddoomiye Cusub Doortay Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Oo ka Qeybgalay
Adis-ababa — Ururka Ardeyda reer Somaliland ee Wax kabarata dalka Ethiopia Somaliland Student Association In Adis-ababa (SSAA) ayaa maanta si rasmiya u doortay guddoomiyaha Cusub ee Ururkaasi MOHAMED CABDILAAHI BIIHI,kadib markii uu kii hore xilku ka dhamaaday Khadar Maxamed Ibraahim.
Xafladii loo sameeyey Xil-wareejinta oo caawa lagu qabtay Huteelka Eyofolla ee Magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale, Safiirka Wareega ee Somaliland Raabi Cabdi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka Hay’ada Shaqaalaha,Safiirka Safaarada Somaliland ee Ethiopia Maxamuud Aadan Jaamac(Galaal),Kuxigeenkiisa Ayaanle Salaad Diiriye, Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidiga GEES-ka Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax, Ardeyda iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.
Qasnajiga Ururka Ardeyda reer Somaliland ee Wax kabarata dalka Ethiopia Somaliland Student Association In Adis-ababa (SSAA) Jaamac Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay oo farxada min bilaw ilaa dhamaad daadihinayay isagoo aad ugu dheeraaday faa’iidada uu Ururkani u yeelan doono Ardayda iyo wixii ku waajib ah ardayda reer somaliland ee addis-ababa. Intaasi kadib waxa uu hadalka ku wareejiyay guddoomiyaha guddidii aasaaska ururka lahayd haddana ah agaasimaha ururka mudane ABDIKARIIM SALAAD HIRSI oo aad ugu dheeraadaay nidaamka uu soo maray ururku, qaabkay doorashooyinkii hore u dhaceen , qaabka guddoomiyaha cusub hadda lagu soo doortay, baahiyaha jira ee sababay in ururka la sameeyo, horumaradii ay guddi ahaan sameeyeen, waayo aragnimooyinkii uu muddadii 10 ka bilood ahayd ee guddidaasi jirtay uu ka dhaxlay oo uu waanooyiin iyo tusaaleba uga dhigay guddoomiyaha cusub iyo sidii ardaydu u ahaan lahayd kuwo midooba oo mid ah.
Waxa uu cabdikariim aad ugu dheeraaday ardaydu inay baahi weyn u qabto ururkan muhimna ay tahay in la sameeyo , la dhiso waliba uu noqdo wax jira oo shaqeeya.
Intaasi kadib waxa hadalka lagu wareejiyay laguna soo dhaweeyay madasha guddoomiyaha cusub ee ardayda reer Somaliland MUDANE MOHAMED CABDILAAHI BIIHI.
Waxaana uu gudoomiyaha cusubi u mahadnaqay dhamaanba martisharafta qiimaha lahayd ee isugu jirtay: wasiiradda, safiiradda , guddoomiyihii hore ee ardayda reer somaliland mudane khaalid mohamed ibraahim, guddoomiyayaasha, ardayda waxka barata maxadka civil service ee addis -ababa, abwaanada iyo dhamaanba ardaydii qiimaha lahayd ee kullankaasi kasoo qayb gashay.
Waxa uu uga mahadnaqay sida milgaha, shrafta iyo maamuska leh ee ay kulankani aaya ka tashigooga ah uga soo qayb galeen uguna heelan yihiin sidii aradyadda reer somaliland ee addis ababa joogtaa u noqon lahaayeen qaar mida oo hal ujeedo, hal calan iyo hal dali mideeyo.
Waxa uu guddoomiyuhu aad ugu dheeraadaay baahiyaha jira ee ay ardaydu tabayso ee waxbarashada, fiisayaasha, istaakulaynta ah, wada tashiga, midawga iyo wax wada qabsiga ah sidii uu wax uga qaban lahaa isaga oo la kaashanaya ardayda iyo safaaradaba.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in ardayadda reer somaliland ee addis ababa yeelan doonto hal dallad oo midaysa oo adag noqonna doonta tani maanta hadda loogu doortay, waxa uu sheegay “inuu xoojin doono xidhiidhka ka dhaxeeya ururka iyonwaasaradda waxbarashadda si ardayda joogta dalkii looga caawin lahaa siday dalkani u iman lahaayeen iyaga oo warbixin fiican haysta iyo sidii loo fududeyn lahaa deeqo waxbarasho oo ardaydu hesho”.
Waxa kale oo uu sheegay: in ardayda guud ee addis-ababa dhamaan la diwaan galin doono loona samayn doono ID CARDS lagu aqoonsado.
In dhamaanba ardayda ka qallin jabinaysa addis-ababa yeeshaan urur xurmadooda dhawra oo balan qaada sidii loogu qaban lahaa xaflad heer qaran ah oo ayna culays badani ka gaadhin.
In kulamo doodo ah la samayn doono si wiigli, bille iyo rubuc sannadleba ah si ardayda wacyigooga iyo awoodooda aqooneedba u dhisanto. In si joogto ah loo qaban doono xaflada 18may ee gooni isutaaga somaliland.
In loo soo raadin doono ardayda reer addis-ababa sidii ay uga qayb gali lahaayeen shirarka iyo tababarada heer caalami ee dalkani ka dhaca.
In ururku xidhiidh ka yeelan doono ururweynaha sonyo iyo ururada waxbarasho ee dalalka adduunka ka jira ee ardayda reer somaliland leedahay.
Dhanka kale, waxa uu guddoomiyaha cusubi mudane mohamed biihi ka codsaday wasiirka :
In dib loo soo celiyo ardaydii waxbarashadda dalkani u iman jiray oo ila 2013kii istaagay.
In wasaaradda iyo safaaradhba ka wada shaqeeyaan sidii ardayda loogu heli kaadhka daganaanshiyaha waddankan(resident card).
In xafiiskii ardayda reer somaliland ee safaaradda la dardargaliyo guddida cusubna loo qalabeeyo.
Gabagabadii waxa uu guddoomiyaha cusubi ka codsaday wasaaradda arrimaha dibada, safaaradda somaliland iyo ardaydaba inay ka dhaxayso wada shaqayn xalaal ah oo horumar ku suntan isaga iyo guddidiisa.
Intaasi kadib waxa hadlay ambassador cawil oo aad ugu dheeraaday faa’iidada aqoonta, waddaniyadda, ictiraafka iyo midawgu faa’idada uu leeyahay. Wax uu lataliyaha madaxweynaha ee wada hadalada somaliya ka codsaday ardayda ‘inay ilaaliyaan midawga ay hadda samaysteen oo si midaysan oo waddaniyadi ku dheehantahay u wada shaqeeyaan”.
Sida oo kale waza isaguna halkaasi ka hadlay safiirka somaliland ee addis-ababa oo aad ugu dheeraaday hanaanka ay soonqaadatay guddidani, safaarad ahaan waxa uladiyaarka yihiin ardayda iyo inay markastab u taagan yihiin ardayda iyo arrimaha diblumaasiyadeed ee safaaraddu u furantahay safiirku waxa uu kula dardaarmay in ardaydu walaalo ahaayo si wada jirana wax u wada qabsato. Sidoo kale waxaa isna ka hadlay safiir ku xigeenka safaradda ayaanle oo xusay isna sidii uu markii hore usoo dhisay guddoomiyihii kani ka horeeyay waqtiguu safaaradda jooga iyo sida ay hadda marwalba uga go’an tahay inuu dadaalkaas sii wado.
Waxa kale oo isna ka hadlay safiirka wareega oo talo iyo tusaalooyin u badan aqoonta iyo faa’idadeeda ardayda halkaasi kula wadaagay.
Sidoo kale waxa isna waanooyin dhaxal gal ah la wadaagay abwaan dhuxul laabsalaax iyo guddoomiye ku xigeenka hay’ada shaqaalaha. Dhanka kale waxa isna madasha ka hadlay mudane mustafe riyaale oo ah odayga iyo musdanbeedka ardayda reer somaliland kana mid ah ardaydii ugu soo horeysay ee waddanka timaada isaga oo halkaas kusoo ban dhigay:
Siyaasadda somaliland iyo doorka addis ababi ku leedahay.
Baahida weyn ee ardaydu u qabeen ururkan sidii loo heli lahaa.
Sidii safaaradda somaliland oo ah mucda safaaradaha somaliland xukuumad ahaan iyo wasiir ahaanba loo taageeri lahaa.
Sidii loo heli lahaa wadooyin iyo wadiiqooyin sugan oo ictiraafka loo maro.
Sidio guddidan cusub loo taageeri lahaa loolana shaqayn lahaa, sidii loo samayn lahaa xidhiidh sugan oo ka dhaxeeya ardayda iyo safaaradda.
Waxa kale oo uu aad ugula kaftamay ambassador cawil iyo ardaydaba inay noqdaan kuwo magac iyo maamusba leh oo iyaga oo halkooda iska fadhiya lasoo doonto, loona baahdo; isaga oo tusaale usoo qaatay waagii uu udub ahaa cawil inuu isagu ahaa wasiirka kaliya een saxaafadda lacag kusiin sidii ay war uga qaadi lahaayeen se iyagu soo doonan jireen.
Dhanka kale waxa isaguna ka hadlay MUDANE CABDINAASIR MOHAMUUD IBRAAHIM oo aad u taabtaabtay baahiyaha dhanka waxbarashadda, kaadhadhka daganaanshiyaha iyo xidhiidhka safaaradda ah ee ay guddida iyo ardayduba u baahan tahay.
Sida oo kalena waxa uu wasiirka ka codsaday inuu awooda saaro ictiraafka iyo sidio loo dardar galin lahaa.
Waxa iyaguna hadalka qaatay xoghaya guud ee guddida cuvil service institute oo aad ugu dheeraaday muhiimadda midaw iyonwada shaqantu leedahay iyo sida milgaha leh ee wasiir sacad u gartay inuu ardayda la kulmo.
Gababadii waxa shirka soo xidhay WASIIR SACAD oo hambalyeeyay guddoomiyaha iyo guddida cusub ee ardayda una balan qaaday in waxaasoo cabasho ah qaarna isagu wax ka qaban doono, qaarna safaaradda uu u dhaafi doono. Waxa kale oo uu warbixin dheer ka siiyay ardayda heerka uu marayo aqoonsi raadinta somaliland iyo xidhiidhka arrimaha dibada ee somaliland iyo adduunweynaha oo uu sheegay inuu hadda meel wacan marayo. Waxa kale oo uu warbixin ardayda kasiiyay waxyaalihii u qabsoomay intii ay waftigiisu joogeen shirka african unionta ee addis ababa ka socda, halkaasi oo ay kula kulmeen wadamo badan oo afrika iyo europe ba ah isuguna jira 5 wasiirul khaaraji iyo 10neeyo danjirayaal iyo hay’ado caalami ah. Waxa uu wasiirku aad uga hadlay siday uga go’antahay ictiraaf u helida somaliland waddo kasta oo ay u maraanba.
Waxaana uu hadalkiisa kusoo dhameeyay waanooyin u badan ilaalinta waqtiga, ku daadalida waxbarashada, midawga ardayda dhexdooda ah, muwaadinimadda iyo sidii ay safiiro ugu noqon lahaayeen dalkooga iyaga oo arday ah ugana iibin lahaayeen qaddiyadda somaliland asxaabtooda kala duwan ee ay waddankan kula kulmaan.
Guntii iyo gunaanadkii waxa uu kulankaasi kusoo afjarmay kulan gaaban oo wax isku sheeg iyo tallo soo jeedin ah.