Ururada Siyaasada oo maanta laga neefiyay
Hargeysa December 15, 2022 (QJ) – Ururada Siyaasada ee dhawaan ay diiwaangelisay Xukuumada mud xileedkeedu dhamaaday ayaa saxaafada manta u sheegay in ay la kulmeen Guddida doorashooyinka Somaliland oo ilaa haatan aan ka hadal doorashooyinka aan sharciga heysan ee ururada.
Tobanka urur siyaasadeed ayaa tiroba dhawr jeer dhaliilay guddida doorashooyinka ka dib kolkii ay sheegeen in ay sharci u hayaan uun doorashooyinka madaxtooyada isla markaana ay ku qabayaan mudo 9 bilood ah.
Ururada oo kulanaka manta dabadii la hadlay saxaafada ayaa sheegay uun in ay guddida doorashooyinka kal hadleen diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Guddida doorashooyinka ayaan ilaa haatan carabdhebin in ay kulan manta la yeesheen ururada.
Xukuumada mudo sharciyeedkeedu dhamaaday iyo ururada ay diiwaangelisay ayaa qardojeex ku doonaya in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo oo uruo cusub oo jilicsan Madaxweynaha la tartamaan, waaba hadii ay soo baxaane.