Ururada kusoo baxay Wareega Madax-taabashada ururada siyaasadda Somaliland oo la shaaciyay
Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Guddida Diwaangelinta iyo Furista Ururada Siyaasadeed ee Somaliland ayaa maanta soo saartay liiska ururada ka gudbay wareega madax taabashada ee ururada siyaasadda, kaas oo todobaadadii lasoo dhaafay lagu tartamaay gudaha Somaliland.
Ururada kala ah, Ururka Shacabka, Ururka Waaberi, Ururka Hillaac, Ururka Rejo, Ururka Barwaaqo, Ururka Mideeye, Ururka Ogaal, Ururka Horseed iyo Ururka Kaah ayaa kusoo baxay wareega madax taabashada ururada.
Waxa tartankan ku hadhay ururada kala ah; Iftiin, Talo wadaag, Ubax, Daljir, iyo Miisaan.
Arintan ayaa ka dhigan in gudida diwaan gelinta ay shaqadoodii dhammaatay isla markaana wareegan wixii ka danbeeyay ay shaqadu u taalo Komishanka Doorashooyinka, balse waxa xusid mudan in xeer aanay haynin komishanku isla markaana ay qaban doonaan uun doorashada madaxtooyada oo dhammaan imkaaniyaadkeedi ay dhammaystiran yihiin.