|

Urur Siyaasaeedka Kaah iyo Muuse Biixi miyeey kala tegeen?

Hargeysa January 19, 2023 (QJ) – Sida ay ku soo waramayaan ilo wareedyo ka ag dhaw madaxa urur siyaasadeedka Kaah ee Somaliland Maxamuud Xaashi, waxa habeenkii xalayahaa shir kadinku u xirnaa magaalada Hargeysa ku yeeshay xildhibaanada taageera ururkaa.

Shirka oo uu gobjoog ku ahaa Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa la sheegay in uu xildhibaanada iyo taageerayaasha Kaah uga warbixinayay goaan la sheegay in Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday Muuse Biixi uu ka qaatay doorashooyinka muranku hareeyay ee Madaxtooyada.

Muuse ayaa la sheegay in uu Xaashi gaarsiiya in beesha caalamku cadaadis ku saareyso qabashada doorashooyinka Madaxtooyada, isla markaana aanu jirin dhan uu uga baxo.

Xildhibaanada labaatanka lagu qiyaaso ee taageera Maxamuud Xaashi oo arinka ka carooday ayaa la sheegay in qaar ku hanjabeen in madaxweynaha xil gudasho la’aan lagu soo oogo.

Sidoo kale taageereyaasha Urur Siyaasadeedaka Kaah oo ujeedada aasaaskiisii hore loo aaneynayay taageerada damaca siyasadeed ee Muuse Biixi ayaa isu rogay mid Maxamuud Xaashi iyo beeshiisa hoose ku doonayaan in xisbi qaran kula soo baxaan.

kudladii Kulmiye ee Bariga Burco iyo Galbeedka Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii kal tegeysa, ka dib kolkii Muuse Biixi uu ka waaban waayay xadgudubyada ka dhanka ah ganacsatada, saraakiisha iyo siyaasiyiinta beesha Bariga Burco.

Taageereyaasha Kaah ayaa haatan u muuqda in ay garowsadeen in Muuse maraba tooda ka shaqeyneyn ee u isticmaalayay uun damaciisa mudo kororsi.

Ma cada waxa shirkii xalay ee Kaah ka soo baxay, balse halkan kala soco.

Comments are closed