Urur Siyaasadeedkii Rays oo la Midoobay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Hargaysa 3.Feb.(SDN) Munaasibad Balaadhan oo urur siyaasadedka Rays uu ku biirayay Xisbiga kulmiye ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magalada hargaysa.
Waxaa Munaasibada Midowga Xisbiga Kulmiye iyo Urur Siyaasaddeedkii Rays ee ku hadhay Marxaladii u soo gudubka Sadexda Xisbi qaran ka qayb galay Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Urur Siyaasadeedka Rays, Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye iyo Mas’uuliyiin kale .
Waxaa ugu Horeyn Munasibadani Hadalo Kooban Ka soo Jeediyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf Oo Soo Dhaweyay Madaxda Ururka Rays Iyo Tageerayashoodaba,isagoo Ku Amaanay Sida Ay U garteen Inay Ku Soo Biiran Xisbigan Talada Dalka Haya Waxaana uu Ugu Baaqay Ururada Kale Ee Aan Wali Ku Biirin Xisbiyada Jira inay Tixgalin gaar ah Siin doonan.
Waxaa Sidoo Kale Halkaasi Hadalo Ka Soo Jeediyay Gudoomiye Ku Xigeenka Ururkii Rays Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Labdooduba Taabtay Ahmiyada Ay Leedahay Isku biirista Ururka Rays iyo Xisbiga Kulmiye iyagoo intaas ku daray In Ay Gacmaha Is Qabsadaan Oo Ay Hore U Dhaqaajiyaan Xisbiga Kulmiye.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Rays Xasan Gaafaadhi oo Madashaasi ka hadlay ayaa Sheegay in ku biirista Xisbiga Kulmiye ay ka danbaysay Wada hadalo in Mudo ah u socday waxaanu intaas raaciyay in laga bilaabo maanta ay taageero iyo Cududba la garab joogaan Xisbiga Kulmiye.
Waxaa Sidoo Kale Isna Madashaasi Hadalo Kooban Ka Soo Jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo Tilmaamay in Ururka Rays uu ahaa Xubin Xooganayd Xiligii ay ku Wada Jireen Tartankii Ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanka waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye intaas ku daray in laga bilaabo maanta aanay jirin Wax ay ku kala duwan yihiin Xisbiga Kulmiye iyo Ururka Rays oo uu Midowgooda ku sifeeyay Guul.
Hargaysa SDN.