Urur Siyaasadeedkii Dalsan oo ku biiray Xisbiga Kulmiye iyo Weedhihii Madasha Maanta ee Midowgooda.
Hargaysa 11.Feb (SDN) Munaasabad balaadhan oo maanta lagu qabtay magaalada hargaysa ayaa ururkii Dalsan oo ka midahaa ururadii ku hadhay doorashadii golayaasha Deegaanku waxa uu Maanta si rasmi ah ula midoobay xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Munaasabadan oo ka dhacday Hotelka maansoor ee Magaalada hargaysa ayna ka soo qayb galeen madaxda Xisbiga, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Hogaankii ururkii dalsan ayaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md Muuse Biixi cabdi oo ka hadlay waxa uu si weyn u soo dhoweeyay awooddan siyaasadeed ee ku soo korodhay xisbigiisa.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey warbixin ka soo baxday hogaanka ururkii xaqsoor oo uu Md Xasan Ciise jaamac u jeediyey taageerayaashiisa qurbojoogga ah ayaa Md Biixi waxa uu sheegay inay tahay talaabo soo dhoweyn mudan. Halka sidoo kalena uu xusay in safarka madaxweynaha Somalilandee dalka Ingiriisku uu ku saabsan yahay hawlihii ay shacabku u doorteen ee ahaa in qaranka hawlihiisa ka shaqeeyo, waxana uu wax kama jiraan ku tilmaamay warar ay mucaaradku ku doonayeen inay ku yareeyaan safarka madaxweynaha somaliland.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Madax ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo Tilmaamayay in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisuba ay Xidhiidh la leeyihiin Somalia , isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yidhi “Wadani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa iyo dadka uu hogaamiyo toona lagu tuhmi maayo Xamar laguna tuhmi maayo, Wadani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano Telephonka maxkamada sare ee Xamar iyo ka Ismaaciil Buubaa oo habeenkii lama sheekaysano markaa Xantaasi anaka nama qabato”.
Dhanka kalena Gudoomiyahii Ururkii dalsan Md ismaaciil aadn Cismaan oo munaasabadaas hadal ka jeediyey ayaa si rasmi ah u sheegay in ka dib markii uu qiimeeyey sida ay u fuleen ballanqaaadadii kulmiye ee ku saabsanaa waxqabadka xukuumadda isala markaaana dhinac dhigay asxaabta kale aan door biday inaanu urur ahaan si dhamaystiran oo aan kala hadh lahayn ku biirnoXisbiga Kulmiye.
Dhanka kalena Gudoomiyahii Ururkii dalsan Md ismaaciil aadn Cismaan oo munaasabadaas hadal ka jeediyey ayaa si rasmi ah u sheegay in ka dib markii uu qiimeeyey sida ay u fuleen ballanqaaadadii kulmiye ee ku saabsanaa waxqabadka xukuumadda isala markaaana dhinac dhigay asxaabta kale aan door biday inaanu urur ahaan si dhamaystiran oo aan kala hadh lahayn ku biirnoXisbiga Kulmiye.
Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Wasiirada Maaliyada iyo Madaxtooyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Hargaysa SDN