Urur siyaasadeedka Rays Ayaa manta a wax qabad dhabaa ku soo bandhigayn Baanbixisii malintii ugu horeyey ee uu soo istaago fagaraha beerta xooriyada ee casimada Hargiesa
Hargaysa Nov 02/12 Tageerayasha urur siyaasadeedka Rays aya manata waxa uu soo bandhigay cududiisa tageero iyo wax qabadkiisa oo kaga duwan uraradii kale ee isu soobaxay tagerayashan oo isu soo baxay fagaraha beerta xoriyada aya waxa ay muqatay cududa uu ku leyahay gobolka maroodijeex taas oo farxad galisay madaxdii ururka rays , waxa goobta ka helay murashaxiinta golaha degaanka oo shegay in ay wax badan ka badali donaa hadii la doorto .Ilhaan Xassan cali oo ka mida murashaxiita golaha deeganka ahna gabadha ugu da yar aya shegtay in ay ka shaqayn doonto sidii ay danyarta daryeelkooda waxa kale oo shegtay inay ka shaqayn doonto bilicda gobolka marodi jeex waliba caasimada hargaysa oo runtii noqtay meel aad loga marugoodo waxana ka dhigi donaa meel lagu soo calamka la talbsata .Gudoomiye ku xigeenka ururka rays Adan Maxamed Cilmi Dhoolayare ayaa shegay in ururka rays u tagan yahay daryeelka dadka bahan waxana idinka rajaynyaa inaa ad dorataan ururka rays kaas oo wax wayn ka badali doono caasimad Hargaysa
Gudoomiyaha ururka Rays Xassan Maxamed Gaafaadhi aya shegay inuu ku kalsoon yahay musharaxiinta ay soo xileen ee ka koban 25 xubnood anay yihiin itnii ugu kartida badnayd ee aan u soo xulnay ana ku kalsoonahay , ururka aya si an loga baran ururad kale ay ku soo kordhiyeen goobti cagaf cagafyo loogu deeqay Deeganada Beralayda ee Galbeedka Somaliland waxana la gudoonsiyey deeganada Gabilay , Alay baday , iy geed balaran iyada oo loo balan qaday deeganada kale gabagabadii aya ku dhamatay jawi aad u faraxad galiyey dhamaan madaxdii iyo tageerayasha ururka rays.
Hargaysa qurbojoog.com