|

Urur Siyaasadeedka Kaah oo shir ay xalay yeesheen ku kala kacay

Hargeysa January 20, 2023 (QJ) – Sidaanu shalay baahinay, shir ay shalay Ururu siyaasadeeka Kaah iyo taageeryaashiisa musdanbeedka u badani ay Hotel Hargeysa ku yaal ku yeesheen ayaa lagu kala kacay.

Taageereyashii halkaa joogay iyo qaar toos ugala socday dalka dibediisa ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen soo jidin ka timi Guddoomiyaha ururkaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiyaha ayaa ku guuldareystay ku qancinta reer Kaah in ay taageeraan Kulmiye iyo madaxweynaha mudo xiledkiisu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi, bacdamaa uu isbedelay fikirkiisii qabashada doorashooyinka Ururada.

Biixi ayaa Xaashi iyo urur siyaasadeedyada kale dhawaan ku wargeliyay in uu haatan doonayo in uu qabto doorashooyinka Madaxtooyada, isla markaana ka dalbaday taageero, taa oo ka careysiisay taageereyaasha Kaah.

Taageereyaasha Kaah oo marka laga reebo Maxamuud Xaashi ka niyad jaqsanaa goaanka Muuse Biixi ayaa ku gacan seyray in la taageero Kulmiye.

Xaashi ayaase isaguna aad uga biyo diiday taageerida axsaabta Mucaaridka isla markaana soo jeediyay in Maxamed Kaahin lagula tartamo Kulmiye, taa oo sababtay in shirka bilaa natiijo lagu kala kaco.

Mudooyinkii danbana waxaad mooda in Muuse iyo reer Kaah isku muruxsadeen kolkii laisaga tegay.

Ma cada halka ay firxadka Kaah u diga rogan doonaan iyo waxa uu arinkani ku soo kordhin karo saaxada siyaasada Somaliland.

 

Comments are closed