|

Urur Shidaalka Geeska Africa dusha kala socda oo ka horyimi Heshiiskii Shidaalka ee Britain iyo Soomaaliya

Nairobi Aug 17,2013(SDN)-Ururka East African Forum(EAEF) ayaa dawlada Soomaaliya ugu baaqay in ay ka noqoto heshiis shidaal baarid ah oo ay dhawaan la sexeexatay shirkad laga leeyahay dalka Britain bacdamaa ayay yiraahdeen uu heshiiskaasi meel ka dhac ku yahay balanqaadyo dawladu hore u sameysay.

“Heshiiska dawlada Soomaaliya iyo shirkada Soma Oil and Gas waxa uu ka soo horjeedaa gebi ahaanba balan qaadyadii dawlada ee musuqmaasuq la dirirka ahaa,heshiiskan oo ay hareeyeen mugdi iyo qarsoodi shaki badan leh ayaan aheyn mid shidaalka dalka lagu maamuli karo”sidaa waxa yiri mada EAEF Md cabdilaahi Maxamuud.

Ururkan (EAEF) ayaa kulmiya khabiiro dhanka shidaalka ah iyo Qareeno dusha kala socda kheyraadka dalka.

Ururku waxa uu sidoo kale shaki geliyay awooda Soma Oil and Gas ee fulinta baaritaano badda Soomaaliya laga fuliyo oo lagu baadigoobayo shidaal.

“Sidee shirkad gebigeeaba jirtay afar bilood loogu aamini karaa baarida shidaalka dalka,dawladu waa in ay ka noqotaa heshiiskan isla markaana ay u dhaqantaa si cad oo waadax ah oo dan u ah dhaqaalaha dalka”sidaa waxa yiri madaxa ururka EAEF ee dhinaca farsamada Feysal Mayoow.

Ururka ayaa sheegay intalaabada tan xigta ee ay qaadi doonaan in ay tahay in ay dhinaca xildhibaanada xukuumada culeys ka saaraan si heshiiskan aan loo ansixin.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed