Urur ka shaqeeya horumarinta dhinaca Caddaalada ee Geeska Afrika oo baaq 10 qodob ka kooban ka soosaaray Doorashada Deegaanka Somaliland
Hargeysa Nov.24, 2012 (SDN)- Xarun ka shaqaysa horumarinta arrimaha Caddaalada ee gobolka Geeska Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo HCCJA, ayaa baaq 10 qodob ka kooban ka soosaartay doorashada Deegaanada Somaliland oo qabsoomida dhawr maalmood ka hadhsan yihiin.
Sida lagu sheegay baaqaas oo lagu socodsiiyay Madaxweyne Siilaanyo, Guddiga Doorashooyinka, wasiirka Daakhiliga, guddiga Diiwaangelinta ururada siyaasadda, isla markaana ogaysiin la ogaysiin la siiyay Maxkamadda Sare ee Somaliland, HCCJA waxay ku talisay in si caddaalad ah, eexasho, nin iyo urur jeclaysina ka madhan loo qabto doorashada qabsoomida loo asteeyay 28 bishan November, wuxuuna baaqaasi u dhignaa sidan; “Xarunta Geeska Africa ee Horumarinta Arimaha Cadaalada iyo Danbiyada waxay halkan ugu baaqaysaa (Horn Center for Criminal Justice Advancement) waxay ugu baaqaysaa dhamaan masuuliyiinta iyo hayaddaha dawliga ah ee kor ku xusan in:
1. In Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 11/28/2012 dalka ka dhici doonta loo qabto si cadaalada ah oo aan eexasho, nin jeclaysi iyo urur jeclaysi aanay ku jirin
2. In loo qabto six or oo xalaal ah
3. In aan hantida umada lagu tagri falin
4. In la dhawro lana ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka Jamhuuriyada Somaliland u yaala
5. In la ilaaliyo laguna dhaqmo xeerka habdhaqanka ee ay ururadu saxiixeen
6. In aan komiishannka doorashooyinka qaranka lagu faro gelin shaqadooda
7. In nabad gelyada guud ee wadanka la dhawro loona feejignaado cadawoga oo had iyo jeer isku daya in ay khalkhal geliyaan wakhtiyada ay doorashooyinku.
8. In loo hogaansamo natiijada ka soo baxda tartanka doorashooyinka
9. In wixii muran sharci ee iman kara hada la sii dhamaystiro la iskuna waafaqo
10. In inta aan lagu dhawaaqin Natiijada Marka Hore gooni gooni loola kulmo Ururada isla markaana loo sheego lagana qanciyo natiijada.”
Qurbejoog.com, Hargeysa