Urur-goboleedka IGAD Oo Soo Saaray Baaq Nolosha Soomaalida Muhiim u ah
Addis Ababa:Jully,14,2015(SDN/QJ)-Urur-goboleedka ay ku midaysan yihiin Dawladaha Bariga Afrika ee IGAD, ayaa shir ay ku lahaayeen magaalada Addis Ababa waxa ay kasoo saareen War-murtiyeed ay Dawladaha Maraykanka, Britain, Australia iyo kuwa kale kaga codsadeen inay qaadaan xannibaadda saaran Xawaaladaha Soomaalida.
War-murtiyeedka waxa uu Ururka IGAD mar kale ku muujiyey walaaca xooggan ee ay ka qabaan khatarta dhinaca Samafalka iyo Ammaanka ee ay sababtay go’aanka lagu xidhay Xisaab-lacageedyadda Xawaaladaha Soomaalida.
IGAD waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan in la dhiso Golaha La-talinta ee Saamileyda Soomaalida iyo kan Xawaaladaha ee Heerka Gobal si ay ula socdaan Lacagaha Xawaaladaha Soomaalida.
War-murtiyeedku waxa uu ugu baaqday Dowladaha xubnaha ka ah IGAD inay maamulaan, isla markaana taageeraan dadaalladda lagu doonayo in looga hortago Lacagaha Sharci-darradda lagu xawilayo.
Bayaankan ayaa soo baxay, kadib, markii Shir heer Wasiir oo looga hadlayey Xawaaladaha Soomaalida shalay lagu qabtay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com