|

Urur Dimeedka Ahlu-Sunna Oo Shaaciyay Inay U Diyaar Garboobayaan Ka Hortaga Weeraro Ay Shabaab-ku Ka Gaystaan Goobaha Ay Ka Arimiyaan

ahDhuuso-mareeb29,June,2014(SDN/QJ)- Xilli Shabaabku sheegeen in bisha barakeysan ee Ramadaan xoojin doonaan weerarada ay geysanayaan, ayaa waxay Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed ka bilowday tallaabo, ay kaga gaashamaneyso weeraro kaga yimaada Al Shabaab.

Xoghayaha Gaashaandhiga ee Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal (Geesa-dheere), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay u diyaar garoobeen, inay ka gaashaantaan weeraro ay ku soo qaado Al Shabaab.

Xoghayaha wuxuu sheegay in Shabaabku ku hanjabeen in bisha Ramadaan ay weerari doonaan, goobaha aysan gacanta ku hayn oo idil, isla-markaana ay goobahaasi ka mid noqon karayaan kuwa ay ka taliso Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, sida uu yiri.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, ayaa wuxuu si adag u sheegay in heegan la geliyay Ciidanka Ahlu Sunna oo idil, isla-markaana ay ka feejigan yihiin suurta galnimada weeraro, ay ku soo qaado Al Shabaab.Sheekh Geesa-dheere wuxuu ku hanjabay inay jab xoogan u geysan doonaan mintidiinta Al Shabaab, haddii ayba dhacdo inay soo weeraraan deegaanada ay ka arrimiyaan.

SDN/QJ-Dhuuso-mareeb

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed