Urur Caafimaad oo daryeelka Gobolka Maroodijeex ka hawlgala oo lagu dhawaaqay(SAWIRO)
Hargeysa June 23,2014(SDN/QJ)-Xaflad balaadhan oo ilyartu is qabatay , si heersare ahna loosoo agaasimay oo lagu daah furayay urur caafimaaad oo la yidhaa UNITED HEALTH SERVICE. ayaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay Hotel Royal ee maagaalada hargeisa.
Xafladan oo aad u quruxbadnayd waxa ka soo qabgalay Dhakhaatiir, Agaasimayaal, Kalkaaliyeyaal caafimaad oo sare taas oo ay u jeedadeesu tahay kor u qaadista iyo isku xidhka adeegyada caafimaad ee gobolka maroodijeex.
Ugu horaynba waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka UNITED HEALTH SERVICE
Dr. Caydarus Abdi Nuur oo kahadlay ujeeda loo aasaasay ururkan waxaana hadaladiisii kamid ahaa.
Dr. Caydarus Abdi Nuur oo kahadlay ujeeda loo aasaasay ururkan waxaana hadaladiisii kamid ahaa.
“Ujeedada aanu u aasaas nay ururkan hadii aan wax ka idhaa waxa kamida. Inuu noqdo meel ay ku kulmaan dhaman bah waynta caafimaad ka ee gobolka maroodi jeex.
Waxa kale oo gudoomiyuhu sheegay inay ka midhadhalindonaan hamigooda iyo himiladooda ku aadan kor u qaadista iyo horumarinta hawlaha caafimaad ee G/maroodi jeex.
Dr. Ahmed Yousuf Gool –Cade oo kamid ahaa marti sharaftii ka soo qaybgashay xafladan kana mid ah qurba jooga somaaliland, ahna dadkii qaybta libaax ka qaatay aasaasitaanka urukan ayaa ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay urur noocan oo kale ahe waxa aana hadaladiisii kamid ahaa.
“ Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko intan oo xirfadlayaal caafimaad ah ama Dr’s, Nurses, iyo lab technicians. Sida runtiiayna way dagtay in la arko intan inleeg oo umidaysan maskax, muruq iyo maalba oo doonaya inay ka midho dhaliyan hamigooda ku aadan adeegayada caafimaad”
Waxa sidoo kale uu ku nuux nuuxsaday Dr. Ahmed sida ay muhiim utahay baahida loo qabay ururur noocan oo kale ah ayna muhiimtahay isku xidhnaanta, wadashaqaynta, ilaalinta iyo sare uqaadista adeegyada caafimaad ee G/maroodi jeex.
Sidoo kale iyana waxa madashaasi ka hadlay isuduwiihii hore ee caafimaadka gobalka maroodi jeex, ahaana W. ku xigeenkii hore ee W. Arimaha Gudaha Dr. Ahmed Hasssan Goole waxaanu si qoto dheer uga hadlay baahida loo qabay urur noocan oo kale ah waxa kale oo uu sheegay inuu labar bar taagan yahay wixii taageero ah.
Sidoo kale waxaa halkaa lagu soo bandhigay ducumentery ka hadlaaya heerka caafimaad ee degmada salahley ayaa waxana soo bandhigay ururka horumarinta dhalinyarada degmada salahley ee (SAYDO).
Gabagabadii xafladana waxaa shahaadooyin sharafyo lagu gudoonsiiyay shaqsiyaad muxtarama iyo qaar kamid ah ururada dhalinyarada.
ALAA MAHAD LEH
By: khadar Ahmed ( Shaybe)
By: khadar Ahmed ( Shaybe)