Uruguay oo Gurigooda u Dirtey England Markii Aay 2-1 Kaga Ilmeysiisey Bal Yaase U Kala Dabqaadaya Italy,Uruguay Iyo Costa Rica.(By Jaahuur)
Brazil-19-June-2014 (SDN) Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku jibaaxeynaa koobka kubadda cagta ee aduunka oo si habsami ah uga socda garoomada kala gadisan ee delkaa Brazil iyo Spain,Cameroon,Greece,Australia iyo Ingiriiska oo diyaarsanaya shandadahoodii una baqoolaya guryahoodii markii aay wareegii hore ku guuldareysteen.
Haddaba labadii ciyaaroo ee maanta ugu xiisaha badneyd waxaaa isku awood sheegtey Ivory Coast,Colombiya,Uruguay iyo Ingiriiska.
Runtii labadan ciyaarood oo aad u xiisa badneyd waxaa Ingiriiska iyo Ivory Coast looga badiyey min 2-ba iyo 1-.
Haddii aynu soo qaadano ciyaartii ugu cajiibka badney waxaa isku miciyo siibtey Uruguay iyo England waxaana ka soo qaybgaley dadweyne 65,000 kor u dhaafey iyo dabacan taageerayaasha waraabowga qaba ee labada dhinac.
Labadan xul oo horey looga soo badiyey ayaa mid walba mid kale doonayey inuu 3-da dhibcood uga hormaro,haddaba ciyaarta qeybteedii hore waxaa Uruguay nasiib u yeelatey goolkii ugu horeeyey waxaana si xalad leh madaxa shabaqa ku bubsadey Luis Suarez daqiiqaddii 39-aad.
Qeybtii dambe ee ciyaarta Ingiriiska oo aan is dhiibin ayaa daqiiqaddii 75- aad waxaa u jawaabey Rooney,laakiin daqiiqaddii 85-aad goolkii qalbi jabka iyo sagootiskaba waxaa Ingiriiska ku sagootiyey xiddigga reer Uruguay iyo Liver Pool (Luis Suarez)
Ciyaartii kale ee lagu kala faataxeystey Colombia ayaa 2-1 ku khaarijisey Ivory Coast,walow aay raja leedahay Colombiyaana way soo baxdey.
Asxaabtay hadhista aay hadheen Spain iyo England waxay faa’iido ugu jirtaa kuwa dambe ee soo baxa.
W/qorey Jaahuur
SDN
jjaahuur@hotmail.com