|

Unugyo Ka Tirsan Ciidamada Maraykanka Oo La Ogaaday Inay Muqdisho Ku Sugan yihiin Iyo Ujeeddadooda

Wanshinton DC:11-Jan-2014(SDN)-Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka ayaa markii ugu horraysay Si Kedis ah u  Baahiyey in Ciidamo Maraykan ahi ay joogaan Soomalia, kuwaas oo shaqooyin muhiim ah ka haya halkaasi.

Daggar-Brigade-300x2251Wargeyska Wanshinton Pots ee ka soo baxay Magaalada Wanshinton ayaa Jimcihii sheegay 12-askari oo Maraykan ahi ay joogaan Soomaaliya kuwaasoo loo bixiyay ciidanka isku xidhka millitariga, si ay tallo bixin, iyo isku xidh u siin lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMIISOM.

Dawladda Maraykanka ayaan iyadu wali si buuxda uga hadlin Ciidamadeeda la sheegay inay joogaan Somaliya,balse waxa jira Tuhuno kale oo in muddo ahba muujinayey in Maraykanku ciidamo gaar ah geeyey Magaalada Muqdisho, kuwaas caawiya Hawlgallada ay wadaan Ciidamada Somalida iyo kuwa AMISOM.

Ciidankan ayaa shaqadooda waxa ay tahay siddii u kobcin lahaayeen tayada iyo xisilloonida dedaalka ballaadhan ee lagu soo celinaayo awooda Ciidamada.

Waa markii ugu horreysay oo askari Maraykan ah lagu arko ciidda Soomaalida tan iyo sannadkii 1993 xilligaas oo 18-askari Maraykan ah lagu dilay caasimada Muqdisho, isla sannad kaddibna Maraykanka uu isaga baxay guud ahaan Soomaaliya.

Maraykanka saldhig ciidan oo weyn ayuu ku lee yahay dalka Jabuuti, halkaasoo ay ka duulaan diyaaradaha wax basaasa waxna duqeeya, kuwaasoo Soomaaliya meelo badan ka geystay duqeyn.

Sannadkii horre waxaa Soomaaliya yimid taliyaha ugu sareeya ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afrika, kaasoo la kulmay madaxda dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xidhiidhka Somalia iyo Maraykanka ayaa meel wanaagsan maraya, waxana bishii January ee sannadkii horre  Maraykanku  aqoonsaday dowladda fedaraalka Soomaaliya,iyadoo Maraykanka uu 500 oo milyan oo dollar uu ku bixiyay tababarka iyo kobcinta ciidanka Midowga Afrika iyadadoo 70 malyuun oo dollaar uu ku bixiyay ciidamada Soomaalida.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed