|

Unuga Wadaniga Somaliland oo baaq 18 May ku saabsab soo saaray

 

 

 

 

Unugga wadaniyada somaliland waxa uu shicib waynaha somaliland ugu baqayaa meelkasta oo ay caalamka ka joogaan in ay xusaan xus, dadka indhahooda soo jiita maalinta 18ka may taas oo loo xusayo sida ugu quruxbadan ugu nabdoon ugu anshaxa iyo asluubta wanaagsan xaqiiqdu waxay tahay in sanadkani ka duwanaado sanadkii hore.

Hadaba Unugga Waddaniyada somaliland waxa uu idinku baaqayaa dhamaan shacab weynaha somaliland in ay ilaaliyaan nabad galyada lana shaqeeyaan ciidamada amaanka kuna caawiyaan hawlaha nabad-gelyo ee ay wadaan.

Xaqiiqdu waxay tahay in uu malintaa qofkasta oo muwaadin ahi uu nabadgalyada sugo kana hortago waxa nabad galyada wax-yeelaynaya iyagoo u maraya habka lakaashiga ciidamada amaanka.

Waxa dhamaan shacabwaynaha somaliland uu ka cod sanayaa unugga waddaniyada somaliland in ay qokasta oo mu-waadin ah ay ka muuqato astaanta calanka soomaliland qofkastaana uu cod dheer ku yidhaa jiritaanka somaliland waa muqadis

waxa unugga waddaniyada somaliland ugu baaqayaa sidoo kale shacab waynaha meelkasta oo ay kala joogaan in ay wax wadda qabsadaan waxa xaqiiqo wax ii qabo waxa dhaanta aan wax wadda qabsano iyadoo unuggu dareensan yahay hawlaha qaran ee waddanka ka socda waxa uu dhiiri galinayaa abaal wayna u haya cid alaala cida ka qayb qaadata hawlaha qaran ee socda oo runtii baaxadooda leh waxanu leenahay aynu is kaashano shicib iyo dawladba meelkasta iyo markasta taasi waa wadada aynu horumarka ku gaadhi karno.

unugga waddaniyada somaliland waxa uu idin leeyahay  

Muwaadin:

Waaxyihii Naftaadiyo

Wadnahaaga Jeexii

Waddankani Inuu Yahay

Walaalkaa Rumaad Yahay

Waligaa Ogsoonow.

 Hadaba muwaadin waxa xaqiiqa ah waxad maqashaan Dhididkoo La Huruu Dhulka Hooyo Rabaa waa malintii kali ahayd ee soo marta sanadkii hal mar waxa marnaba aanad duudsiin karayn in waddankaagu uu xaq kugu leeyahay.

Hadaba Waxad Ogsoonaataan Dalka Oo Loo Hagarbaxuu Hankeenu Dhaboobaya

Nabadu Waa Geed Ku Baxa Dhiiga Geesiga

Guul Iyo Gobonimo Somaliland

Sanadguura Wacan Dadkaygaw

 

 

 

 

G-Xigeenka 18ka May  Gudida Unugga Waddaniyada

Name :  Axmed Xuseen Maax

Tell: 0634421547/9130707

Comments are closed