|

UNIVERSAL Garanaye, HUBAAL Meeday!!!!?

Nin I Lurey, Nin Igu Laagsadiyo, Nin I Lammaaneeyey!!

Iyo Nimaan Lurtaydana Jeclayn, Libinna Ii Diiddan!!!

Iyo Nimuu Lihiin Dhigay, Halkuu Rag isku Laan-jiitay

Intaasuu Isugu Laaqan Yahay,Loolkii Ii Xigaye!!

Waa Maxay Likiicsigu, Barbaar Luun ma Kaafiyo’e

Sow Anigiyo Duq Law-lawsadaa,Ma kala Laydhsan!!!

Gabayga NIN I Lurey, Oo Uu Tiriyey Abwaan Muxumed Liibaan Jadeer

Inkastoo Ay Anshaxa Maamulka iyo Nidaamka Caddaaladeedba Ka Baxsan Tahay In Qof Uu Aragtidiisa Wax Ku Xidho, waxna ku xayiro, haddana dhacdadii shalay lagu xayiray Telefishanka madaxa banaan ee UNIVERSAL Faraciisa Somaliland dad badan baa soo dhaweeyey oo dareen ahaan u diiday muuqaal majaajilo ah oo habeen aan sii fogeyn laga baahiyey TV-gaas, kuwaas oo u arkay in uu meel kaga dhacay karaamada Madaxweynaha iyo calanka Somaliland.

Sidoo kale waxa jiray qaar diiday qaabka loo wajahay xayiraadan kuwaas oo ku doodaya marka horeba Inaan loo baahnayn In xayiraada iyo ka qaadisteeduba aanay ku xidhnaan qof, wasiir amaba cid kale’eh oo gaar ah. Laakiin waxay u arkaan in nidaam iyo sharci loo maro tallaabo kasta oo lagu qaadayo haddii uu gefay iyo haddii kaleba.

Haaaaa, hadal-haynta amuurtan ayaa shalay illaa xalay dhegahayga ka badatay, Sidaas darteed dhacdadan ku fogaan maayo, laakiin waxaan qalinka u holladay dhabar jabka iyo tacadinga haysta wargeyska madaxa banaan ee HUBAAL.

Waxa la xayiray 13-kii Diisember ee kal-hore (2013) markii labaad isla sanad gudihii. Ciidan baa dul degey oo weli haysta xaruntii iyo xafiiskii, waxa xanniban dhaq-dhaqaaqii iyo habsami u socodkiisii caadiga ahaa. Waxaa intaas dheer oo caqligu garawsan yahay sida aan marnaba qaanuunka sharci loogu adeegsan laba dibleyntii bahda HUBAAL iyo Madaxdiisa oo dakannooyin Xukun iyo Ganaax isugu jira laysu raaciyey xayiraadii tan horeysay.

Muddadaas hore ee la xidhay Mas’uuliyiinta HUBAAL ciidankuna dul degey xaruntooda dhexe waxa kasii horreeyay weerar dil fadhilamay ah oo loola badheedhay saq dhexe, kaas oo aan gar iyo garawshiiyo toona illaa immika laga bixin, ciddii geysatay ee gacanta lagu dhigayna hadh cad la sii daayay. Immikana way xidhan tahay, dacwadi kuma socoto oo cid haysata la garan maayo, haddana xero ciidan baad mooddaa xafiiskii oo cid loo ogol yahay ma jirto, kiro ayaa ku socota, Mushaharkii shaqaalahaa ku socda, Kambaniyo heshiis-waqtiyaysan oo xayaysiis ah la galay ayaa iyaguna jira, oo hantidoodii doonaya. Ka sokow dhaawacyadii loo geystay ee aan cidina ka dhaahin hoggaanka HUBAAL, Haddii aynu xisaab ugu dhaqaaqno kharashka maalinlaha ah ee ku socda muddadaas uu xanniban yahay Wargeysku, caqligaaga geli mayso.

Marka ay sidaas tahay haddii UNIVERSAL loo haysto gef qaran, HUBAAL-na maxay ku galabsatay waxaas oo dhan?. Waxaan filayaa koleyba in aan gar-darane, garawshiiyo iga helayn illaa uu garaabo. Immikana intaas dhaafin maayo ee Nabad-gelyo.

Qalinka: Xasan Xuseen Cabdillaahi [Keefkeef] Hubaalmedia@hotmail.com Mrkeefkeef@gmail.com http://hubaalmedia.com/

Comments are closed