|

UNICEF Oo Sheegtay 2-Milyan Oo Carruur Afrikaan Ahi Sanad Walba Dhintaan

New York:June,23,2014(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay Hay’adda u qaabilsan Daryeelka Caruurta Ee Unicef, ayaa soo saartay Warbixin ka dayrisay Carruurta Reer Afrika.

uniceeeefHay’addan ayaa sheegtay in sanad walba laba milyan oo carruur ah oo da’dooda ay ka yar tahay shan jir ay sa Ku dhintaan galbeed iyo badhtamaha Afrika.

 

Hayadda ayaa sheegtay, inkastoo ay jireen horumar laga gaadhay ka hortaga dhimashashada caruurta, tirada ayaa wali ah laba milyan sababtoo ah dadka oo kordhay.

 

UNICEF ayaa gaar ahaan sheegtay tirada dadka Nigeria ee badanaysa, taasoo la filayo inay gaadho afar boqol iyo konton milyan sanadka markuu yahay 2050.

 

UNICEF waxay sheegtay in loo baahan yahay in la kordhiyo aqoonta dadka ee tirada carruurta ay dhalayaan, is meesha looga saaro dhibaatada ku imanaysa Ubadka yaryar ee Dhalanaya.

Warbintan ayaa Noqonaysa middii ugu dhiillada badnayd ee Sanadahan la soo saaro, waxana laga dhex arki karayaa inay afrika wali tahay meel aanay carruurtu ku Badbaadi Karin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed