UNICEF oo dalbatay Maaliyiin dolar si ay wax ugu qabto caruurta ku nool wadamo Soomaaliya ay ku jirto
Nairobi Jan 26 2013 (SDN)– Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Badbaadinta carruurta ee (UNICEF),ayaa dalbatay lacag gaareysa 1.4 billion oo Dollarka Mareykanka si ay wax ugu qabato nolosha caruur badan oo ku dhaqan wadamo gaaraya 45 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay,kuwaasi oo ay haysato xaalado adag oo inta badan ku saleysan dhanka nolosha.
“Wali waxaa lagu jiraa bishii koowaad ee sanadka 2013,taasi oo horay u sheegnay inay kor usii kacayaan xaalada nololeed ay ku sugan yihiin Caruurta Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo ku dhaqan wadamada dib u dhacay,inta badan iminka waxa noloshooda laga deyrinaya haweenka iyo carruurta”sidaasi waxa sheegay Chaiban Agaasimaha xafiiska barnaamiyada deg deg ah ee Unicef.
“Carruurta ayaa inta badan si aad ah ugu nugul xaaladaha deg dega ah,waxay ku nool yihiin caafimaad daro,goobo amaankeeda sugneyn,rabshado joogta ah iyo xaaladooda caafimaad oo aan fiicneyn,dayacid iyo waxyaabo kale oo noloshoodaqatarku ah”,ayuu yiri Chaiban.
Xalaada Bini-aadanimada caruurta ee sanadkaan 2013,waxay yihiin kuwo kor u sii kacaya,iyadoo iminka ay ugu daran tahay carruurta ku nool wadamada qalalaasaha ay ka jiraan sida Soomaaliya,Syria,Mali,Chad,Ethiopia, Philippines,Yemen iyo wadamo kale oo aad u badan.ayaa lagu sheegay warbixin ka soo baxday Hay’ada UNICEF.
Ugu danbeyntii Hay’ada Qaramada Midoobay ee dhanka Badbaadinta Carruurta u qaabilsan ayaa shaacisay inay u baahan tahay lacag gaareysa 1.4 billion oo Dollarka Mareykanka,si loola tacaalo nolosha carrur dhibaateysan oo saameyn ay ka soo gaartay qalalaasaha ka jira wadamo Soomaaliya ka mid tahay.