UNHCR oo Talyaaniga ku eedeysay in ay Gaajo iyo Haraad ku dawadeen Qaxooti Soomaaliyi ku jirto
Rome June 11, 2014(SDN/QJ)-Hay’ada QM u qaabilsan qaxootiga ayaa canbaareysay dawlada Talyaaniga ka dib kolkii dawladaasi ay qaxooti faro badan Gaajo iyo haraad ku daawatay mudo saacado ah.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa xili ay dalka Talyaaniga yimaadeen qaxooti ka badan 50,000 oo ruux ilaa sanadkan.
Talyaaniga ayaa qaxootiga ka soo daad gureeyay magaalo xeebeedka Sicily isla markaana ku xereysay goobo loogu talo galay in baabuurta la dhigo.
Qaramada Midoobey ayaa falkaas ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan kareyn isla markaana laga doonayo in ay xaaladaas wax ka qabato.
Qaxootigan la dayacay ayaa ka soo kala jeeday dalalka Syria,Soomaaliya iyo dalalka ka hooseeya saxaraha.
Talyaaniga ayaa aad uga cawday in midawga Yurub aaney waxba kala qaban xaaladaha qaxootigan dalkooda ku soo qulqulaya.
SDN/QJ-Rome
contact@somalidiasporanews.com