UNHCR oo ka walaacsan Soomaali faro badan oo Nairobi lagu qabqabtay
Nairobi April 08,2014(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa sii wada qabqabashada Soomaalida ku nool magaalada Nairobi khaasatan xaafada Eastliegh.
Soomaalida la qabqabtay ilaa iyo haatan ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 2000 oo ruux oo isugu jira Dumar, Caruur iyo cirooleba.
Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin Soomaalidan ku jira gacanta ciidamada Kenya.
Dadka ayaa la sheegay in lagu hayo garoon kubedda cagta ah oo ku yaal magaalada Nairobi iyo qaar ka mid ah xabsiyada magaaladaasi ku yaala.
“Waanu fahamsanahay in Kenya ay sigto amaanka balse waa in dadka la dhawraa xuquuqahooda” sidaa waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay UNHCR.
Kenya ayaa sheegtay in dadkan la eegayo in ay sifo sharci ah dalkooda ku joogaan iyo in kale.
SDN-Nairobi