|

UMAD DHAN OO GAAJO IYO DARXUMO HAYSO [ shacabkuna ilaabay] MA TAQAANAA? !!!!

Waa ramadaan waana bishii khayrka iyo barakada waa bisha ajarka la badsado ducadana ilaahay la baryo in dhibka iyo balaayada ilaahay ka fogeeyo,waa bisha wax wanaagsan ilaahay laga baryo fadliga habeenka laylatul qadriga loo soo jeedo inuu ILlAAHAY[sxw] ku waafajiyana laga baryo.

Dadka badankiisu waxay is waydiistaan cafis iyo inay is wada saamaxaan waxay galaan casuumado waawayn oo dadku isu yeedho hilib iyo bariis, macmacaan iyo labaniyad iyo saanbuuse ayaa xoog looga dibiraa waxa dadku iska ilaaliyaa in bishaa nafaqo daro ku dhacdo waxaanay lacag dheeraada ku daraan cuntada guriga la keeno.

Waxase dadku aanu isba waydiin in qaar badan ay gaajo iyo macaluul gidaarka fadhiyaan waa dad aan hadli karin wax isiina ku odhan karin.

waa mayeedhaan sida xayawaanka ka qadhaabta bananka iyo meelaha lagu qubo raashinka bulshadaasi waxay qabaan darxumo aad u badan cid u hadashaana ma jirto waxa dusha ka haysa oo gaajada u dheer milicda iyo qoraxda maqaarkoodana waa aad u gubtay ma haystaan guryo ay ka galaan.

waa bulsho banaanka seexata oo dabaysha iyo boodhka iyo siigadu ku hayso Haduu roob da,o ayagu waa dhex qaadayaan waxaanay la dardhanayaan dhaxan iyo qabow waa bulsho aan haysan wax daryeela haba yaraatee.

MAANKA LIITA ama DADKA BUKA ama sidaynu ugu yeedhno DADKA WAALAN ee illaahay subxaanuhu watacalaa uu XISKA KA DOORIYAY.

SHacabka muslimka ah waxaan leeyahay waar umadaasi way ina daawanayaan
ishooduna way ina soo eegaysaa.
ma hadli karaan xaq waxay u leeyihiina kuma doodi karaan ama ma dalban karaan
waa dad maankoodu buko.
haday doodi karayaan bari hore ayay madaxwaynaha waydiisan lahayeen WASIIR U GAARA
bari hore ayay dawlada waydiisan lahaayeen xuquuqdooda oo ay loyar u qabsan lahaayeen
maxkamadna soo taagi lahaayeen cidkasta oo dulmiday oo cadkooda ay dhacsan lahaayeen
waxase dabray ee aaamusiiyay waa ayagoo xiskoodu liito MIYIRKANA LAGA QAADAY.

Waxaan bulshada caafimadka qaba leeyahay hoos haloo eego dadka MAANKA KA BUKA
waa la heli karaa in loo dhiso dhul lagu daryeelo looma waayin hangaro waawayn ama bakhaaro
waawayn oo kharash badan aan ku kacayn oo roobka iyo dhaxanta ay ka galaan.
waa loo heli karaa waxay cunaan IN la siiyo oo bariis laga dhargiyo waxa laga yaaba in
bishii laba sadex gadbadood oo bariisa ku filnaan lahayd.

Sawtaa xamarba gayseen 700 kun oo doolar gaajada halkaa taala iyo tan gurigaaga taala maxaa kala duway tanaaba ka ajar badan oo lagu yidhi ka ku agjooga wax siiye  kuwa xamar joogana siiya waxaad tari kartaa kuwana siiya waxaad tari kartaan labaduba wa muslim.

DADKAN MAANKA LAGA DOORIYAY waxaa dhici karta in bishii waxaan ka badnayn laba boqol oo dolar ku filnaan lahayd waa kharash aad u yar oo hal xawalad dalka ka jirta ayaa dhawr boqol siin karto
ama afar nin oo wax haystaa dhiibi karaan.

Marka hadii shacbiga oo dhan haday kaalmo ururiyaan miyan la heleen 10 sano kharashkii dadka maanka laga dooriyay lagu daryeeli lahaa.

waa la hagranayaa ee bulshadaa waxba looma waayin ilaahay waa ina siiyay nimco iyo aduunba waan la arkayne bari haore ayaa wax la siin lahaa waan la dareemayne bari hore ayay daryeel heli lahayen waan laguba fikirine bari hore ayaa roobka iyo dhaxanta laga hoyn laha waan laguba darin tiradee bari hore ayaa inagana ilaahay raali ahaanshihiisu ina deeqi laha KALIYA WAXA BULSHADAA la qoray waa dad WAALAN iyo waar dila wuu waalanyee.

UGUDANBAYN Bulshada aan xiska qabin halaga soo xareeyo banaanka dadkuna ha u doodo hana u hadlo ajarbaa ku jiree beeshaa dhan ee la dayacay bishan talada halagu daro hadaad rabto inad aragto halkay joogaan kaama dheera GIDAARADA SUUQA WAAKUWA DAADSAN bal maalin kaliya ama habeenkii markay seexdaan isha soo yara mari dheragaba waad ka dhaaran inaad cunto hawaysato dadkaasi waxay leeyihiin HAWEEN in la asturo u baahan RAG GABOOBAY, kuwa DHALINYARO AH  WAA umad dhan oo rag iyo dumarba leh.

[[[[[[[WALAALAYAAL HALOO KACO BISHANA TALADANA  KU DARA]]]]]. meel kastoo ay jooganba ama s/land ha noqoto ama soomalia ha noqoto

bulshayahay xiskoodu buuxee
barwaaqadiyo nimcada
baxnaanada qaboow
baladkeena danyartaa ku badan
barbarkaaga jiifoo baahidu dabartay
barbaartii maanku bukaa baahi gaara qaboo
banaanada daadsan bacadkuna duljoogaa
baradkiyo qaboobaha baro dugsoon ma hoydaan
bisha roobku da,aayana badi waa dardhanayaan
inta bilis qaawanee bananka ordaysa
ee baylah tirsanaysaa bulshooy waa badan yihiin
bukaanka aamusan baahida ka reeboo
barwaaqadan idiin hoortay badhbaa sadaqo
bari loo baxshaa ajar buuxa laga helaa

wabilaahi tawfiiq
ramadaan kariim dhamaan umada muslimka
SICIID CABDI DHEEN
dheen12@mail.com
london  uk

Comments are closed