UK oo ku khasabtay Muuse sexeexa xeerka Doorashooyinka una sheegay in Heshiiska badda yahay sharci daro
Hargeysa March 01, 2024(QJ) – Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavriankis oo haatan booqasho ku jooga Hargeysa ayaa la soo sheegayaa in uu Muuse Biixi la wadaagay mowqifka dalkiisa ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo heshiiska badda ee uu lagalay Itoobiya.
Safiirka ayaa Muuse u iftiimiyay cawaaqib xumida ka dhalan karta hadii uu sii ado ishortaaga nidaamka doorashooyinka mudo dhaafka ah.
Sidoo kalena waxa la soo sheegayaa in uu faray Muuse in uu sexeexo xeerka Doorashooyinka inta uu Hargeysa ku sugan yahay.
Amb. Mike Nithavriankis ayaa sidoo kale u sharaxay Biixi suurtogalnimada sharci ee isafgaradkii uu lagalay Abiy Axmed, Safiirka ayaa u sheegay Muuse Biixi in heshiiskaasi aanu aheyn mid dhaqangeli kara bacdamaa uu sharciyan sax aheyn, gudo iyo dibedba, bacdamaa aanu xutaa golleyaasha Somaliland horgeyn isafgaradka.
Muuse ayaa shaqaalaha Madaxtooyadu soo werinyaan in uu cagaha dhulka la dhacayay intii kulanku socday, ka dibna waxa la maqlayay kiyoo leh saancadaaleyaashiinaa mucaaridka iyo Xasan Sheekh ayay iga raaceen.
Si kastaba ha ahaatee, Muuse Biixi ayaa u muuqda ruux hakii uu qabsadoba ay u soo ruqeyso, haatana ku khasban in uu ka calaf qaado doorasho sandule looga dhigayo.
Wararkii ugu danbeeyayna waxa ay sheegayaan in Muuse Biixi uu sexeexay xeerka doorashooyinka ee dhawaanta la ansixiyay isla markaana uu shaacin doono dhaqangelkiisa maalmaha soo socda.