UK oo ka hadashay arinta Laascaanood, Iyo Khaliif oo halkaa gaaray
Laascaanood January 19, 2023 (QJ) -WasiiruL dawlada UK u qaabilsan horumarinta caalemiga iyo Africa Andrew Mitchell ayaa mid ka mida kulamada Baarlamaanka dalkaa suaal lagu waeydiiyay xaalada magaalada Laascaano iyo doorka dawlada UK, wasiirka ayaa suaashaa uga jawaabay kuna gaabsaday in dawladiisu kala shaqeyneyso beesha caalamka iyo UNta sidii loo dejin lahaa xaalada Laascaanood isla markaana dawladiisu tixgelineyso degenaanshaha iyo amniga Somaliland iyo ta gobolkaba.
Dawlada UK oo tababar iyo maalgelinba siisa ciidamada amaanka Somaliland ayaan wax la xisaabtan ah oo ku saabsan tacadiyada ciidamadaa aan soo bandhigin.
Geesta kalena, Gudoomiyaha golaha wakilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool halkaasi oo ay uga bilaabmeen kulamo uu la qaadanayo masuuliyiinta xukuumada ka jooga Laascaanood , saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sool.
Safarka Guddoomiyaha ayaa imanaya kulan uu dhawaan hargeysa kula yeeshay Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha ayaa hore u dhaliilay habka xukuumada iyo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ay ula maareysay xaalada guud ee gobolka Sool.