”Ujeedkayagu waa u hiilinta Somalia” Afhayeenka AMISOM
Muqdisho 16.July (SDN) Afhayeenka ciidamada Nabad ilaalineed ee Midowga Afrika AMISOM Col.Cali Adan Xumad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka joogitaanka ciidankoodu yahay sidii ay ugu hiilin lahaayeen shacabka Somaaliyeed.
Col.Xumad oo wareysi siinayay warbaahinta Muqdisho ayaa ka hadlay ciidanka AMISOM taliska Jubooyinka oo uu sheegay inay u taaganyihiin xasiloonida magaalada Kismayo,isagoona xusay dadaalkii ay ka qayb qaateen in Al-shabaab laga xoreeyo.
DF Somalia ayuu ugu baaqay inay kaalinteeda ka qaadato nabada Jubooyinka oo horey iska horimaadyo ka dhacay Kismayo lagu eedeeyay inay ka danbaysay abaabulkooda.
Axmed Madoobe ayaa 15 May,2013 loo doortay madaxweynaha Jubaland ,waxana tan iyo xiligaas diidan DF maamulka looga dhawaaqay Kismayo ,iyadoona ay soo baxayaan waayadan danbe warar sheegaya inuu gebi ahaanba burburay wadahadal labada dhinac u dhaxeeyay oo ay IGAD fududeyneysay.
Muddo bilo ah ayaa laga sugayaa madaxweynaha inuu ku soo dhiso maamulkiisa ,halkka beelahana la filayo inay keenaan 75 qof ee buuxinaya kuraasta Barlamanka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com