Ujeeddooyinka Shir Albaabadu u xidhnaayeen Oo Madaxweyne Gaas La Yeeshay Saraakiishiisa Ciidanka
Garowe:Sep,27,2014(SDN/QJ)-Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa shalay Galabnimadii iskugu yeedhay saraakiisha sarsare ee Ciidankiisa, iyadoo warar is khilaafsani kasoo baxayaan sababta ka dambaysa shirkaas.
Wararka qaar ayaa sheegay in kulankaasi daarranaa sidii talo iskumid ah looga wada yeelan lahaa arrimaha kasoo cusboonaaday Gobolka Mudug oo dhawaan Puntland dhaqdhaqaaqyo militeri ka waddo.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in saraakiisha iyo madaxweynuhu ka wada hadleen xiisad colaadeed oo Puntland iyo somaliland ku dhexmartay deegaano hoos yimaadda Degmada dhahar, halkaas oo tiro ciidankiisa kamid ahi ku geeriyootay.
Si Rasmi ah looma shaacin Qodabadii kasoo baxay kulanka saraakiisha iyo Madaxweynaha , Waxaase lasoo sheegayaa in Kulankooda uu ku saabsanaa Xaaladda Gobolka Mudug ee u dhexeysa Puntland iyo Galmudug,iyadoo aan meesha laga saarin dagaal dhexmari kara Puntland iyo somaliland.
Maamulka Puntland oo xidhiidh aan wanaagsanayn la leh Dawladda Federalka Somalia, waxana muran ka dhashay maamul u samaynta deegaannada Mudug uu keenay in Puntland ay farsamooyin dagaal u eg ka fuliso deegaano ku yaalla Galkacyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com