|

uJeeddada Socdaal Uu Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Ugu Amba bixi Doono Magaalada Jawhar iyo Cali Maxamed Geeddi Oo U Sii Gogol Xaadhaya

Muqdisho:June,18,2014(SDN/QJ)-Wararka Laga Helayo Magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta waxa ku Wajahan Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia.

ina inaiMadaxweynaha iyo wefdi uu horkacayo, ayaa waxaa lagu wadaa inay ka amba baxaan Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu wado inay ka qaado diyaarad Helicopter ahi.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu maanta uu dhegax dhigi doonaa Xarun Jaamacadeed oo laga hirgelinaayo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Buurane oo ku yaala duleedka Degmada Mahadaay.

Dr. Cali Maxamed Geedi, Ra’iisal Wasaarihii hore  ee Somaliya oo ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa wuxuu sheegay in maanta uu Madaxweynuhu taggi doono Magaalada Jowhar.

Ciidamada Dowladda Federalka ee Somaliya iyo Amisom, ayaa waxay si weyn u suggayaan ammaanka Magaalada Jowhar, oo saacadaha soo socdo uu ku sii jeedo Madaxweynaha Somaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed